X
    Categories: Warar

“ Sompower waxay Qiimaha Laydhka dhintay saddex jeer, waxay gaadhsiisay meel hoose, waxaase jira duruufo” Maareeyaha Sompower Cabdullaahi Beershiya

“Shirkadduhu waxay soo bandhigeen cabasho baddan, waynu u garaabaynaa, waxayse balanqaadeen,,,,” Xildhibaan Waabeeyo

Hargeysa(ANN)-Guddida Khayraadka Dabiiciga ah iyo deegaanka ee golaha wakiiladda Somaliland, ayaa kulan ay la yeesheen shirkaddaha bixiya Adeegga Laydhka ee Magaalada Hargeysa ku weydiiyay arrimo la xidhiidha adeegga ay Bulshadda u hayaan ee Laydhka.

Xlldhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeye), Araweelo News Network.

Kulankaa oo uu guddoominayay Guddoomiyaha Guddida Khayraadka dabiiciga ah iyo deegaanka ee golaha Wakiiladda Xlldhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeye), waxay guddi hoosaadka iyo masuuliyiinta ka socday shirkadduhu isku weydiiyeen wax badan, iyadoo arrimaha wax laga weydiiyay shirkaddaha Laydhaka ay ka mid ahayd waxa ay kaga jawaabayaan cabashooyinka  qaar ee qiimaha Laydhka Hargeysa.

Xlldhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeye) oo guddoominayay kulankaa, ayaa sheegay in shirkadduhu soo bandhigeen duruufo badan oo u baahan garawshiiyo, balse waxa uu sheegay in ay dhammaantood balanqaadeen oo ku hawlan yihiin sidii ay Bulshaddu u heli lahayd Laydh qiime hoose ah.

Dhinaca kale Maareeyaha Shirkadda ugu balaadhan ee bixisa adeega Laydhka Hargeysa ee SOMPOWER , Cabdullaahi Beershiya oo madasha ka sheegay in ay iyagu shirkad ahaan yihiin kuwa jebiyay qiimaha Laydhka labadii sannadood ee u danbeeyay dhawr jeer ilaa ay gaadhsiiyeen meel hoose oo ah $ 0.63, , balse ay jiraan duruufo iyo caqabado aannay dadka cabanayaa ogayn oo ku xeeran shirkaddaha, wuuxuna sheegay in guddida markii ay u warameen ay ku qanceen waxyaabihii ay ku doodeen shirkadduhu oo ay la qaateen guddida wakiiladda ee Khayraadka dabiiciga ah iyo deegaanka.

Maareeyaha SOMPOWER, Cabdullaahi Beershiya, Araweelo News Network.

Maareeyaha SOMPOWER, Cabdullaahi Beershiya oo kulanka kadib Telefishanka Horn Cable wax ka weydiiiyay waxyaanaha ay shirkadduhu kaga jawaabeen cabashadaa iyo duruufaha ay ka cabanayaan shirkaddaha Laydhku.

Waxa kale oo Maareeyaha Sompower ka hadlay dhibaatooyinka ay la kulmaan eek u xeeran adeega shirkaddaha, isagoo sheegay in shirkadda SOMPOWER ay tahay shirkadda ugu shaqaalaha badan shirkaddaha Laydhka, taas oo uu sheegay in ay culays weyn ku tahay.

Halkan Ka Daawo Kulankaa Xildhibaan Waabeeyo iyo Maareeyaha Shirkadda Sompower oo ka hadlaya arrimahaa.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post