X
    Categories: Warar

Somaliland Xukuumadda Oo Sheegtay In Ay Jawaab Ka Bixinayso Faragelinta Soomaaliya

 

Hargeysa(ANN)-Golaha wasiirradda Somaliland ayaa soo saaray  Qodobbo ku waajahan Faro-gelinta Soomaaliya iyo Maamul goboleedka Puntland ku hayaan geyiga Somaliland, gaar ahaan booqashadii u danbaysay ee magaalada Badhan ee Sanaag ay ku yimaadeen Cabdiweli Gaas iyo xubno Federaalka ah.

Sidoo kale, waxa Kal-fadhigaa  oo aha kii 12aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland yeeshaan lagu ansixiyay Xeerar muhiim ah, w uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo uu wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)

Sidaana waxa lagu sheegay Qoraal saxaafadeed soo gaadhay shebekada Araweel Araweelo News  maanta oo ay taariikhdu tahay 20/09/2018, waxa lagaga dooday faro-gelinta ay Soomaaliya ku hayso Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan gobolka Badhan, waxaana lagu ansixiyey xeerar muhiim ah.

Kal-fadhiga golaha wasiirrada, ayaa lagaga digay faro-gelinta qaawan ee ay Soomaaliya ku soo qaadday gobolka Badhan iyo sida aan marnaba loogu dulqaadan Karin gardarrada iyo daan-daansiga lagu hayo Jamhuuriyadda Somaliland, waxana uu goluhu soo saaray qodobbadan.

1. Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay aaminsan tahay nabadgelyada iyo deggenaanshaha gobolka geeska Afrika, waxana ay kasoo horjeeddaa colaad iyo khal-khal nabadgelyo-darro oo ka dhaca gobolka.

2. Soomaaliya waxa ay kusoo xad-gudubtay Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo food-saare ka dhiganaysa maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland, sidaynu ognahay sannadkan horraantiisii waxa yimi gobolka Badhan wasiir Federal ah oo horseeday iska hor-imaatin ciidan oo dhiig ku daatay.

3. Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay aqbashay dhexdhexaadintii IGAD, AU-da iyo wakiilka UN-ta Soomaaliya u jooga oo ahayd in colaadda la joojiyo oo maxaabiista la kala beddesho oo ay wada-hadlaan Somaliland iyo Soomaaliya, hase yeeshee, waxa caddaatay in dawladda Farmaajo ay ka go’an tahay inay dagaal joogto ah kusoo qaaddo Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo dabada ka riixaysa maamulka Puntland. Imaatinka Cabdiweli gaas ee Gobolka Badhan waxa uu qeexayaa faro-gelin qaawan oo siyaasadeed iyo joogtaynta colaad Somaliland ka dhan ah, sidaa daraadeed Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay go’aansatay in dalkeeda, dadkeeda iyo qaran-nimadeedaba ay difaacayso.

4. Waxannu u sheegaynaa Soomaaliya in Jamhuuriyadda Somaliland ay si waafi ah uga fal-celin doonto xad-gudubkaa aad ka badheedheen.

Dhinaca kale shirkii golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo ay fadhiyeen 27-wasiir, waxa lagu ansixiyey laba xeer oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah.

1. Xeerka kaabista iyo wax-ka-beddelka, xeerka Ismaamulka Gobollada iyo degmooyinka Jamhuuriyadda Somaliland (Xeer Lr-23), xeerkaas oo ay wasaaradda arrimaha gudaha iyo Garyaqaanka Guud ay iska kaashadeen diyaarintiisa, goluhuna wax-ka-beddel iyo kaabis ku sameeyey, sidaasina goluhu ku ansixyey.

2. Xeerka Hawl-gabka iyo xaq-siinta Ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland (Xeer Lr xx/2018). Xeerkan oo ah mid cusub oo aan hore u jirin, ayaa ah mid looga gol leeyahay in ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland helaan daryeel ciidannimo oo sharci ku qotoma, waxana golaha hor keentay wasaaradda gaashaandhigga Jamhuuriyadda Somaliland, goluhuna waxa uu ku ansxiyey duuduub.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post