X

Somaliland: Xukuumadda Oo Xarunta BBC Albaabada U Laabay iyo Hawlwadeenadii Oo Xabsiga Loo Taxaabtay

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN) Xukuumadda Somaliland ayaa Albaabada u laabtay maanta xafiiskii BBC Media Action ee Magaaladda Hargeysa.

Hawgal ay fuliyeen xafiiska ayaa sababta in Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa Xabsiga loogu taxaabay Shan Xubnood oo ka tirsanaa Xafiiska BBC Media Action ee magaalada Hargeysa.

Sidaana waxa shebekaddaha wararka u xaqiijiyay ila wareedyo ka ag dhow xafiiska BBC Media Action

Hawlwadeenadacla xidhay ayaa kanmagacyadoodu kala yihiin:-

1-Maxamed Gaas Madaxa Xafiiska Somaliland
2-Cabdilaahi Jaamac Wariye ka tirsan Bbc Media Action
3- Samater Gaaxnuug
4- Axmed Faa’iz oo ah filim-qaade iyo editor.
5- Yaxye oo ka tirsan Xafiiska Gadiidka. Kuwaas oo ku xidhan magaalada Hargeysa.

Xukuumadda Somaliland, ayaa dhawaan sheegtay inay hakisay Shaqada BBC-da ee dalka Somaliland, waxaanu toddobaadkii hore Wasiirka Warfaafinta Somaliland u jeediyey BBC eedeymo aan si waadaxa loo faah baahin, kuwaas oo lagu tilmaamay inay Qarannimada Somaliland ka dhan yihiin, sida laga soo xogtay wasaaradda warfaafinta.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post