X
    Categories: Warar

Somaliland: Xukuumadda Oo Xabsiga U Taxaabtay Laba Suxufi Iyo Sababaha Xadhigooda

Muuqaalka labada weriye ee la xidhay Rashiid Nuur Wacays Iyo Wariye Saciid Khadar Cabdilaahi

Hargeysa(ANN) Xukuumadda Somaliland, ayaa xabsiga u taxaabtay laba weriye oo midkood ahaa Agaasimihii Bulsho Tv Rashiid Nuur Wacays Iyo Wariye Saciid Khadar Cabdilaahi. kadib markii Ciidamada Boolisku saaka ka qabteen Xafiiska Xeer-ilaalinta guud ee Qaranka.
sida lagu baahiyay Telefishanka BulshoTv, oo ay ka tirsanaayeen labada suxufi, waxa la xidhay kadib markii ay saaka Xafiiska Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka tageen, halkaas oo looga yeedhay.

Agaasimihii Bulsho Tv Rashiid Nuur Wacays Iyo Wariye Saciid Khadar Cabdilaahi, sida lagu sheegay warkaa, waxa xadhigooda lala xidhiidhiyay soo saarista Wargeys ay ku hawlanaayeen, kaas oo sida warku sheegay mar hore la diiwaangeliyay, isla markaana xili kooban usoo baxay, balse ay doonayeen inay soo saaraan xiligan, isla markaana daabacadiisii u horaysay baahiyeen.

Xukuumadda Somaliland, ayaan ilaa hada wax war ah kasoo saarin xadhiga suxufiyiintaa, iyadoo sidoo kale aanay Ururka Suxufiyiinta SOLJA, wax war ah kasoo saarin xadhiga labadaa suxufi.

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380
Related Post