X

Somaliland Xukuumadda Oo Xabsiga Ku Gurtay Ganacsatada Roodhida Hargeysa

Agaasimaha wasaaradda ganacsiga iyo dalxiiska, Muuse Ibraahim Selef, image Araweelo News Network, 6 December 2021.

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta xabsiga ku gurtay ganacsatada wersheddaha yar-yar ee soo saara Roodhida.

Xadhiga ganacsatada, ayaa yimi kaddib markii ay habeenkii Axadda 5 December shaaciyeen in qiimaha roodhida la kordhiyay, isla markaana ay ku dhawaaqeen Urur ay ku midoobeen Wersheddaha Roodhida ee Caasimadda Hargeysa.

Qiimaha xaadda Roodhida ah ayay sheegeen in ay ku kordhiyeen 500 Sl Sh, halkii ay ka ahayd 2,000 sl sh, waxaana baraha Bulshada lagu baahiyay muuqaalo Roodhilayda oo isku dhaarsanaya in aan qiimaha ay wada gaadheen in lagu kordhiyo Roodhida aan laga dhimin.

Arrintaa ayaa si weyn uga cadhaysiisay shacbiga Somaliland oo muddooyinkan la tacaalayay duruufaha dhanka nollosha ee ka dhashay maceesha oo qiimaheeda aad loo kordhiyay iyo qiimaha shidaalka oo si weyn kpr ugu kacay, iyadoo aannay ka hadlin xukuumaddu arrimahaa oo indhaha ka qarsatay.

Hase yeeshee kooxda roodhilayda ayaa maanta xabsiga loo taxaabay, waxaaana ka hadlay xadhigooda Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gancsiga iyo Dalxiiska, Muuse Ibraahim Selef, ayaa sheegay in ay tallaabada xadhiga qaadeen, kaddib markii ay xalay ku warheleen Roodhilayda oo samaysatay Urur ay Ummadda ugu heshiiyeen, wuxuuna arrintaa ku tilmaamay mid nasiibdaro ah oo qaanuunka sharciga ganacsiga iyo sharciga dalka  aan meela kasoo gelin.

Agaasime Selef, waxa uu si cad u sheegay in kooxdaa ganacsatada ah ee Roodhida loo gudbinayo maxkamad oo sharciga la horgeynayo, balse Agaasime Muuse Ibraahim Selef kama hadlin maceesha sida weyn qiimaheedu u kordhay iyo qiimaha shidaalka ee cirka isku shareeray.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post