X
    Categories: Warar

Somaliland: Xukuumadda Oo Xaalad Deg-deg ah(State of Emergency) Kusoo Rogtay Gobolka Sanaag Iyo Labada Gole Oo Kulan Deg-deg Ah Loogu Yeedhay

Hargeysa(ANN)- Somaliland: Xukuumadda Oo Xaalad Deg-deg ah(State of Emergency) Kusoo Rogtay Gobolka Sanaag Iyo Labada Gole Oo Kulan Deg-deg Ah Loogu Yeedhay noqnoqdeen.

Sidaana, waxa  lagu sheegay qoraal saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda oo lagu shaaciyay xeerka xaalada deg-dega ah ee Madaxweynuhu soo saaray.

Qoraalka, ayaa u dhignaa sidan: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu xeer Madaxweyne Lr. 04/042019 uu xaalad deg-deg ah ku soo rogay Degmooyinka Gar-adag, Ceel Afweyn iyo Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag, muddo saddex bilood ah.

Waxaanu u dhignaa xeerka Madaxweynuhu Sidan:-

Xeer Madaxweyne Lr. 04/042019

Xaalad Deg-deg ah

Markaan Arkay:       Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 92aad;

Markaan Arkay:       Dhibaatada Colaadeed ee Ka Jirta Degmooyin Ka Mid ah Gobolka Sanaag oo Halis Galin Karta Nabad-gelyada Guud, Jiritaanka Qaranka iyo Dastuurka Dalka;

Markaan Arkay:       Nabad-gelyo Darrada Ku Soo Noq-noqotay Degmooyinkaa Gobolka Sanaag oo Xukuumadda iyo Qaybaha Kala Duwan ee Bulshaduba ay Dadaallo Naf iyo Maalba Leh Ka Galeen;

Markaan Arkay:       In ay Tahay Waajib Qaran in Xukuumaddu Qaado Tallaabo adag oo Lagu Joojinayo Khataraha Amni-darro, Si Loo Sugo Nabad-gelyada, Loona Bad-baadiyo Nafaha iyo Hantida Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan La Sameeyey        La-tashi Shir-guddoonka Labada Gole ee Baarlamaanka JSL (Guurtida iyo Wakiillada) iyo Guddida Guud ee Nabad-gelyada Qaranka;           

Waxaan Go’aamiyey;

Qodobka 1aad. Xaalad Deg-deg ah (State of Emergency)

1) In Xaalad Deg-deg ah (State of Emergency) lagu soo rogay Degmooyinka Gar-adag, Ceel Afweyn iyo Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag, muddo saddex bilood ah.

Qodobka 2aad. Tallaabooyinka Sugidda Amniga

1) In Ciidammada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee kala duwan ay qaadaan tallaabo kasta oo ay ku sugayaan amniga, kagana hor-tagayaan cid kasta oo ku kacaysa ama u muuqata in ay fulinayso falal nabad-gelyo darro.

Qodobka 3aad. Maamulka iyo Go’aammada Muddada Xaaladda Deg-dega ah

1) In Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland la wareego dhammaan maamulka iyo go’aammada lagu sugayo amniga, laguna joojinayo khataraha nabad-gelyo darro.

Sidaa darteed, xeerkan waxan u gudbiyey golaha baarlamaanka ee guurtida iyo wakiilada, waxaanan idinka rajaynayaa in aad ka gudan doontaan waajibaadkiina dastuuriga ah, si waafaqsan Qodobka 92aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.” Ayaa lagu yidhi, qoraalkaa oo uu ku saxeexnaa Af-hayeenka Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamuud Warsame Jaamac.

Dhinaca kale fadhi aan caadi ahayn, ayaa loogu yeedhay mudanayaasha labada gole Baarlamaan ee Wakiiladda iyo Guurtida, iyadoo Madaxtooyadu sheegtay in ay u gudbinayaan xeerkaa si ay waajibkooda uga gutaan, waxaana la filayaa in maalinta beri ee Khamiista ay labada gole kulan deg deg ah arintaa ka yeeshaan.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post