X

Somaliland: Xukuumadda Oo Soo Saartay Xeer Lagu Maamulayo Madaxdhaqameedka Dalka

Shirka Gollaha wasiirrada Somaliland, 4 May 2022, Image Araweelo News Network.

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa soo saartay xeer la doonayo in lagu xakameeyo Madax-dhaqameedka Somaliland, kaas oo maanta lagu soo bandhigay shirkii gollaha wasiirrada ee Khamiistii 30 Jun 2022.

Xeerka lagu soo bandhigay shirka gollaha wasiirrada, ayaa qayb ka ah waxyaabaha masuuliyiinta xukuumaddu kaga hadleen shirkaa oo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi guddoominayay.

Wasaaradda Arrimaha guddaha, ayaa soo gudbisay qabya-qoraalka xeerka lagu maamulayo madax-dhaqameedka Somaliland.

Wasiirka Arrimaha guddaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed ayaa shirka gollaha ka jeediyay warbixin uu kaga hadlayay marxaladihii uu soo maray xeerku.

“Ujeeddada laga leeyahay xeerka ayaa ah in la abuuro faham guud oo la xidhiidha maamuuska, xurmaynta iyo habdhaqanka qofka madax-dhaqameedka ah, dejinta nidaamka maamul, xilka iyo waajibaadka, shuruudaha iyo qab dhismeedka ay yeelanayaan madax-dhaqameedku.” Ayuu Wasiir Kaahin.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in xeerku tilmaamayo sidii loo waafajin lahaa xil gudashada iyo habdhaqanka madax-dhaqameedka shareecada islaamka iyo dastuurka Somaliland.

Wasiirka arrimaha guddaha, ayaa sidoo kale tilmaamay in xeerku sheegayo in la dejiyo hab-raac nabadaynta madax-dhaameedka, isla markaana ay aasaas u tahay xaqsoorida iyo cadaaladda, wuxuuna xeerku horumarinayaa dhaqankii suubanaa ee ku dhisnaa milgaha iyo sharafta, ayuu yidhi, isagoo dhinaca kale xusay in xeerku tilmaamayo qaabka ay u maamulayaan madax-dhaqameedku bulshada ay madax-dhaqameedka u yihiin.

Gollaha Wasiirrada, ayaa markaa kaddib Madaxweynuhu xeerka u weydiiyay cod, waxaana oggolaaday 33 xubnood, halka laba xubnood ka aamuseen, wuxuuna Madaxweyne Biixi oo fadhiga guddoominayay sheegay in Xeerka Madax-dhaqameedku sidaa ku ansaxay.  

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post