X
    Categories: Warar

Somaliland Xukuumadda Oo Soo Gunnaanaday Qorshaha Qaramaynta Ciidanada

๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐ž ๐ค๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š Somalilandย  ๐š๐ฒ๐š๐š ๐๐จ๐ซ๐ฌ๐ก๐ข๐ก๐ข๐ข ๐๐š๐ซ๐š๐ฆ๐š๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐Œ๐š๐๐๐š๐ง๐ข๐ ๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ฅ๐š๐๐š ๐๐š๐ซ๐ซ๐ข๐ ๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š Soo Gebagebeeyay.

Hargeysa (ANN)-Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi iyo Weftigii uu hoggaaminayey ayaa Degmadda Qori-lugud kaga qayb-galay Qaramaynta Ciidamadii Maddaniga ahaa ee ugu dambeeyey, isla markaana ugu badnaa iyo Gadiidkoodii Dagaalka.

Madaxweyne Ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi oo halkaasi ka hadlay ayaa is kal furran ugu mahad naqay wayeelka iyo wax-garadka iyo haldoorka iyo guud ahaanba bulshada reer Qori-lugud, maadaama oo ay door shariif ah ka qateen qorshaha Qaran ee Qaramaynta Ciidanka Maddaniga ah.

Madaxweyne ku-xigeenka JSL waxa uu hoosta ka xarriiqay in Barmaamijka Qaramaynta Ciidamadda Maddaniga ah uu qiimo weyn u leeyahay Qaranka JSL, waxa aanu yidhi:

โ€œMashruuca Qaramaynta Ciidamada Maddanigu waxa uu ahaa Mashruuc qiimo weyn ugu fadhiya Somaliland, waxana Illaahay mahadii ah in Qori-lugud aan ku soo gebogebayno barnaamijkaasi oo aan soo bilawnay bishii labaad ee sannadkan 2025-ka.โ€

Dhanka kale, Madaxweyne Ku-xigeenka JSL ayaa amray ciidanka Qaranka in ay tallaabada ku haboon ka qaadi doonnaan ciddii shacab ah ee ay hub iyo gaadiid gaashaaman ku arkaan, waxana uu yidhi:

โ€Waxa aan farayaa Ciidamada Amaanka cidii ay hub iyo Gaadiid ku qabtaan in ay kala wareegaan.โ€

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegay in Ciidanka Qaranku uu yahay Ciidanka keliya ee dalka, isla markaana uu ku fillan-yahay difaaca iyo sugida amniga Qaranka:

โ€œMaanta laga bilaabo dalka Somaliland waxa jira oo kelliya waa Ciidanka Qaranka JSL, isaga ayaana u xil saaran difaaca iyo amniga dalka.โ€

Ugu Dambeyntii Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa mar kale shaaciyey in ay Ceerigaabo taal gogashii nabadda, taasi oo ay hore ugu dhawaaqday Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad: โ€œWaxa aan mar kale caddaynayaa in ay Ceerigaabo weli taallo gogoshii nabadeed ee aanu hore ugu baaqnay.โ€

๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡,

๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž (๐ƒ๐ž๐ฒ๐ซ),
๐€๐Ÿ๐ก๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post