X

Somaliland: Xukuumadda Oo Sheegtay In Tirakoobka Dawladda Federaalka Aannu Ahayn Mid Khuseeya

Ciidamadda Difaaca Qaranka Ayaa Ku Sugnaaanayaan Goobbahooda Diyaargarawga Munaasibadda 18 May

#Araweelo_News_Network.

 

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa ka dareen celisay qorshaha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, kaas oo ay sheegatay inay turakoob ka samaynay dhaammaan guud ahaan Soomaaliya, isla markaana qorshaha dawladda Federaalka ayaa lagu daray Somaliland.

 

Hase yeeshee Shirka Gollaha Wasiirrada Somaliland oo Khamiistii maanta ka qabsoomay qasriga Madaxtooyadda, ayaa lagu soo qaaday qodobkaa iyo kuwo kale.

Qoraal kasoo baxay shirka gollaha wasiirrada ee uu gudoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagu xusay in tirakoobka ay sheegtay dawladda Federaalka aannu ahayn mid khuseeya.

 

Shirka gollaha wasiirrada waxa lagu so qaaday in aanay Qaranka Somaliland khusaynin  Tiro koobka ay Soomaaliya ay ku dhawaaqday in ay wado, maxaa yeelay Jamhuuriyadda Somaliland waa dal gaar u taagan jiritaan ahaanna ka horreeyey Soomaaliya, xuduuddeheeda Afarta Jahana ay cad yihiin, waana xuduuddo caalami ah.  Sidaa darteed, Jamhuuriyadda Somaliland iyo Xuduudaheedu waxay u jiraan si sharci ah (de jure). Ayaa lagu yidhi, qoraalka kasoo baxay Madaxtooyadda oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network.

 

Dhinaca kale, sida lagus sheegay qpraalka shirka ayaa lagaga hadlay Xuska 18 May ee Sannad Guuradda 32aad ee kasoo wareegtay Dib-ula-soo-noqoshadii Madax-banaanida Jamhuuriyadda Somaliland oo si weyn loogu diyaar garoobayo, sidaa awgeed Gollaha wasiirrada ayaa ugu baaqay Shacabka iyo Ciidanka Qaabilsan Amniga Guddaha Jamhuuriyadda Somaliland inay iska kaashadaan ilaalinta nabadda dalka, waxaana si gaar ah loogu baaqay in ciidanku si gaar ah xil-weyn isaga saaraan xoojinta Amniga, iyada oo Ciidammada ku hawlan Difaaca Guud ee Qarankuna ku sugnaan doonaan xarumahoodii.

Qoraalka laguma xusin dhawaaqii u danbeeyay ee kasoo yeedhay Madaxweynaha Dawladda Federaalka ee Soomalaiya, Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo ahaa in xukuumaddiisu midnimada ay doonayaan dadka Sool diyaar u tahay, isagoo balanqaaday inay helayaan, sidoo kale, isagoo ka hadlayay su’aalo laga weydiiyay arrinta Laascaanood iyo collaada ka aloosan, wuxuu sheegay in ay Odayaal u direen arrintaa, kuwaas oo sida uu sheegay ka shaqaynaya midnimada Soomaaliya.

 

Please share with your friends the news and information provided by   Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post