X

Somaliland: Xukuumadda Oo Sheegtay In La Furay Ururada Siyaasada Xilli Muran Iyo Mugdi Ka Taagan Yahay Xeerka

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta ahna Afhayeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, 14 April 2020, Araweelo News Network

Araweelo News Network.

Mooshin Lagu Shraciyaynayo Xeerka Oo Gollaha Wakiillada Lasoo Hordhigay

Hargeysa(ANN)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shaacisay in ay furista Ururada siyaasadu yihiin fasax, iyadoo gollaha wakiillada maanta oo Axad ah lasoo hordhigay mooshin ku saabsan xeerka ururada Siyaasada.

Mooshinka ay soo gudbiyeen xidlhibaanda, waxay ku sheegeen in xeerku yahay mid dhaqangal ah, sidaa awgeed in golluhu joojiyo ka doodista xeerka nidaamka ururada iyo axsaabta siyaasiga ah (Xeer L/r 14 2021.

Xildhibaanada, ayaa ku dooday in aan loo baahnayn in xeerkaa ay gollaha wakiilladu ka doodaan, waxayna si cad ugu sheegeen mooshinkaa in aan loo baahnayn in golluhu dood ka yeesho oo uu sidaa ku yahay ansax.

Dhinaca kale, Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, Saleebaan Cali Koore oo maanta warbaahinta laadlay, ayaa si cad u sheegay in xeerka furista Ururada siyaasada iyo axsaabta qaranka uu yahay mid laga bilaabo maanta dhaqangalay. Sidaana uu ku hirgalay.

Laxidhiidha: Somaliland: Sawaxan Iyo Buuq Ka Dhashay Waxyaabaha Laga Bedelay Xeer 14, Saamaynta Doorashooyinka Iyo Dhismaha Axsaabta

Wasiir Koore, wuxuu sheegay in uu ku hadlayo Afka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo uu wakiil kaga yahay, sidaa awgeed ciddii doonaysa in ay Urur furato ay saaxada siyaasadu u furantahay, isagoo dhinaca kale sheegay in haddii lagu murmo xeerka loo gudbinayo Maxakamadda Dastuuriga ah.

“Madaxweynuhu isagoo ixtiraamaya sharciga dalka,  doonista dadka oo fulinaya sharciga iyo dastuurka dalka waxa uu aqoonsan yahay inay furan yihiin ururada Siyaasaddu,” ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Koore.

Dhawaaqa wasiiirka, ayaa ksuoo beegmay xilli muddooyinkii u danbeeyay si weyn loo hadal hayay xeerka oo Madaxweynuhu soo celiyay, isla markaana dooddo ka dhasheen sharciyada soo celinta xeerkaa oo siyaasiyiinta madaxa-banaan in  baddan oo ka mid ah ku doodayeen in aannay waajib ahayn in madaxweynuhu gollaha wakiillada cusub kusoo celiyo, iyagoo ku dooddaya in muddadii dastuurku u oggolaa ay dhaaftay, sidaa awgeed xeerku sidaa ku yahay ansax.

Laxidhiidha: Shurruudaha Ku Xidhan Iyo Hannaanka Dhismaha Xisbiyada Oo Is Bedelka Lagu Sameeyay

Waxaana fadhigii Axaddii ee gobollaha la keenay mooshin ay koox xildhibaano ah oo mid ah gollaha wakiillada kusoo bandhigeen, kaas oo ay ku sheeyaan in aannay waajib sharci ahayn in golluhu ka dooddo xeerka ee sidaa lagu daayo, maadaama muddadii sharciga ahayd ee Madaxweynaha dastuurku u oggolaa inuu soo celiyo ay dhaaftay.

Xeerka ayaa horeba dooddo uga taagnaayeen markii ay gollayaashu ansixiyeen, iyadoo la filayay in gollaha guurtidu soo celiyo ka hor inta annay madaxweynaha u gudbin, maadaama xeerka furashada Ururrada Siyaasadda Somaliland  iyo muddo-xileedka Madaxweynuhu ay u muuqdaan kuwo aan xilliyada I s waafaqsanayn.

Xilligan muddada madaxweynaha waxa ka hadhsan 11 bilood ah isla-markaana Xisbiyada Mucaaradka, ayaa isu diyaarinayay doorashada Madaxtooyada, iyadoo qorshuhu ahaa In la qabto bisha 11-aad ee sannadka 2022-ka.

Balse  sawaxanka xilligan ee murranka xeerka ayaa u muuqda mid siyaasadeed oo meesha ka saari kara rajadii laga qabay qabsoomida doorashada Madaxwtooyadda Somaliland  ee 2022.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post