Araweelo News Network.
Mooshin Lagu Shraciyaynayo Xeerka Oo Gollaha Wakiillada Lasoo Hordhigay
Hargeysa(ANN)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shaacisay in ay furista Ururada siyaasadu yihiin fasax, iyadoo gollaha wakiillada maanta oo Axad ah lasoo hordhigay mooshin ku saabsan xeerka ururada Siyaasada.
Mooshinka ay soo gudbiyeen xidlhibaanda, waxay ku sheegeen in xeerku yahay mid dhaqangal ah, sidaa awgeed in golluhu joojiyo ka doodista xeerka nidaamka ururada iyo axsaabta siyaasiga ah (Xeer L/r 14 2021.
Xildhibaanada, ayaa ku dooday in aan loo baahnayn in xeerkaa ay gollaha wakiilladu ka doodaan, waxayna si cad ugu sheegeen mooshinkaa in aan loo baahnayn in golluhu dood ka yeesho oo uu sidaa ku yahay ansax.
Dhinaca kale, Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, Saleebaan Cali Koore oo maanta warbaahinta laadlay, ayaa si cad u sheegay in xeerka furista Ururada siyaasada iyo axsaabta qaranka uu yahay mid laga bilaabo maanta dhaqangalay. Sidaana uu ku hirgalay.
Wasiir Koore, wuxuu sheegay in uu ku hadlayo Afka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo uu wakiil kaga yahay, sidaa awgeed ciddii doonaysa in ay Urur furato ay saaxada siyaasadu u furantahay, isagoo dhinaca kale sheegay in haddii lagu murmo xeerka loo gudbinayo Maxakamadda Dastuuriga ah.
“Madaxweynuhu isagoo ixtiraamaya sharciga dalka, doonista dadka oo fulinaya sharciga iyo dastuurka dalka waxa uu aqoonsan yahay inay furan yihiin ururada Siyaasaddu,” ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Koore.
Dhawaaqa wasiiirka, ayaa ksuoo beegmay xilli muddooyinkii u danbeeyay si weyn loo hadal hayay xeerka oo Madaxweynuhu soo celiyay, isla markaana dooddo ka dhasheen sharciyada soo celinta xeerkaa oo siyaasiyiinta madaxa-banaan in baddan oo ka mid ah ku doodayeen in aannay waajib ahayn in madaxweynuhu gollaha wakiillada cusub kusoo celiyo, iyagoo ku dooddaya in muddadii dastuurku u oggolaa ay dhaaftay, sidaa awgeed xeerku sidaa ku yahay ansax.
Laxidhiidha: Shurruudaha Ku Xidhan Iyo Hannaanka Dhismaha Xisbiyada Oo Is Bedelka Lagu Sameeyay
Waxaana fadhigii Axaddii ee gobollaha la keenay mooshin ay koox xildhibaano ah oo mid ah gollaha wakiillada kusoo bandhigeen, kaas oo ay ku sheeyaan in aannay waajib sharci ahayn in golluhu ka dooddo xeerka ee sidaa lagu daayo, maadaama muddadii sharciga ahayd ee Madaxweynaha dastuurku u oggolaa inuu soo celiyo ay dhaaftay.
Xeerka ayaa horeba dooddo uga taagnaayeen markii ay gollayaashu ansixiyeen, iyadoo la filayay in gollaha guurtidu soo celiyo ka hor inta annay madaxweynaha u gudbin, maadaama xeerka furashada Ururrada Siyaasadda Somaliland iyo muddo-xileedka Madaxweynuhu ay u muuqdaan kuwo aan xilliyada I s waafaqsanayn.
Xilligan muddada madaxweynaha waxa ka hadhsan 11 bilood ah isla-markaana Xisbiyada Mucaaradka, ayaa isu diyaarinayay doorashada Madaxtooyada, iyadoo qorshuhu ahaa In la qabto bisha 11-aad ee sannadka 2022-ka.
Balse sawaxanka xilligan ee murranka xeerka ayaa u muuqda mid siyaasadeed oo meesha ka saari kara rajadii laga qabay qabsoomida doorashada Madaxwtooyadda Somaliland ee 2022.
Published by Araweelo News Network.
Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.
Follow us Twitter@Araweelonews
Facebook@AraweeloNews
instagram@araweelonews
By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
info@araweelonews.com