X

#Somaliland: Xukuumadda Oo Sheegtay In Aannay Somalia Maamulin Hawadda Somaliland

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), isla markaana ah Afhayeenka xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, Image Araweelo News Network, 18 jan 2024.

 

#Araweelo_News_Network.

 

Hargeysa(ANN)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegtay in aannay dawladda Federaalka Soomaaliya xukumin hawadeeda.

Sidaana waxa sheegay Wasiirka Warfaafinta Somaliland, isla markaana ah Afhayeemka Xukuumadda Cali  Xasan Aadan (Cali Mareexaan).

Wasiir Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), wuxuu sheegay in aannay xataa Boqolkiiba hal 1% dawladda Soomaaliya xukumin Hawadda Somaliland.

Wasiirku wuzuu sidaa ku sheegay qoraal uu ku baahiyay Bartiisa X (Twitter) waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidan:

“Dawlad aan xukumin Hawadda xataa Boqolkiiba hal (1%), ayaa weli sheeganaysa innay maamusho Hawadda.
Su’aasha taas ka dhallanaysaa waxa ay tahay: “Sidee bay u hirgelin kartaa badbaadada duulimaadyada rayidka ah marka horeba?

Wasiirku wuxuu sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay si buuxda u xukunto Hawadeeda. Sidaa darteed, Xukuumadda iyo dadka reer Somaliland waxa ay gabi ahaanba diidan yihiin sheegashooyinka been abuurka ah ee ka soo yeedhay Dawladda Muqdisho ee ku waajahan maamulka Hawadda”ayuu ku yidhi qoraalka oo kusoo beegmay markii shalay duulimaadyada u socday Somalia ee kusii jeeday la kulmeen caqabado xagga isgaadhsiinta lagu haggo duulimaadyada.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post