X
    Categories: Warar

Somaliland: Xukuumadda Oo Ka Hadashay Booqashada Xoghayaha Difaaca Britain

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Eng Ciise Axmed Yuusuf(Xawar) By, Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa sharaxaad ka bixisay booqashada uu shalay ku yimi magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland Xoghayaha Difaaca Britain Mr. Gavin Williamson Alexander oo kulamo la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Eng Ciise Axmed Yuusuf(Xawar) oo ka mid ahaa masuuliyiinta uu shalay la kulamay Xoghayaha Difaaca Britain Mr. Gavin Williamson Alexander, ayaa  maanta shir jaraayid oo uu ku qabtay xafiiskiisa magaalada Hargeysa, wuxuuna sharaxaad kooban ka bixiyay booqashada Xoghayaha Difaaca Dawladda Britain

“ Booqashadii Xoghayaha Difaaca dawlada Ingriisku nagu soo booqday Somaliland waxay ahayd booqasho khaas u ah Somaliland oo taariikhi ah, booqashadaa Xoghayuhu waxay muujinaysaa muhiimada iyo danaynta ay dawladda Ingriisku Somaliland u hayso,’’ayuu yidhi wasiirka gaashaandhiga Somaliland Eng Ciise Axmed Yuusuf (Xawar).

Sidoo kale wuxuu sheegay in wax yaabaha ugu muhiimsan ee ay ka wada hadleen ay ka mid ahayd in la xoojiyo wada shaqaynta labada dawladood iyo sidii kor loogu qaadi lahaa arrimaha amaanka ee mandaqada ee ay taageerada weyn ka gaysto dawlada Britain.

“Booqashada  Xoghayuhu waxay ka turjumaysaa sii xoojinta xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Britain, arrimaha amniga ee gobolka oo beryihii u danbeeyey  isbadelo ka dhacayeen iyo joogtaynta cilaaqaadka labada dal, gaar ahaan ka wasaarad ahaan wakhti badan ayaanu wada qaadanay wax yaabo baddan oo muhiim ah ayaanu ka wada hadalnay’’ Ayuu Yidhi Wasiir Yuusuf(Xawar), balse ma faahfaahin kama bixin waxyaabaha ay wasaaraddiisa sida gaarka ah uga wada hadleen Xoghayaha Difaaca Britain.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post