X

Somaliland: Xukuumadda Oo Qaab Taxadir Ka Muuqdo Uga Hadashay Dagaalka Ukraine

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr Ciise Keyd , Image Araweelo News Network, 27 Feb 2022.

>Wasaaradda Arrimaha Dibedda: Baaq Ku Waajahan Dagaalka #Ukraine

Farriin Loo Diray Ardayda Somaliland ku xayiran Ukraine

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)- Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay dagaalka ka socda dalka Ukraine, waxayna ugu baaqday Ruushka iyo Ukraine in ay xalistaan arrimooha oo ay xal nabadeed ku dhammeeyaan xiisadda dagaalka socda.

Laxidhidiha: Putin Oo Amray Nukliyeerka Xilli Dagaalka Ukraine Gilgilay Qaarada Yurub Araweelo News Network

Dhinaca kale, waxay xukuumadda Somaliland farriin u dirtay Ardayda Somaliland ee ku sugan dalka Ukraine, iyadoo ugu baaqday in ay la xidhiidhan wakiillada Somaliland  iyo xafiisyadda qurba-jooga, gaar ahaan wakiilka  dalka Filand u jooga Somaliland, isla markaana tilmaantay qaabkii ay ula xidhiidhi lahaayeen si looga taageero in laga samata bixiyo dalka Ukraine.

Laxidhiidha: Ukraine Caasimadda La Godoomiyay Millateriga Ruushka Oo Amar La Siiyay Iyo Dhawaaqyadii U Danbeeyay

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr Ciise Keyd , ayaa ka hadlay arrimaha, wuxuuna sidaa ku sheegay qoraal uu ku baahiyay bartiisa Twitterka maanta gelinkii danbe, isagoo sheegay inay Somaliland u ducaynayso Shacabka Ukraine isla markaana ay rejaynayso in xal nabadeed lagu soo af-jaro xiisadda dagaal ee ka taagan dalkaas.

Laxidhiidha: Ukraine: Mawjado Weerraro Cir Iyo Dhul Ah Oo Millateriga Ruushka Ku Hafiyeen Caasimadda Iyo Jawaabta Calaacalka Ee NATO

Qoraalka Wasiir Kayd  uu soo dhigay Bartiisa Twitter, ayuu raaciyay farriin wargelin ah, taas oo Ardayda reer Somaliland ee ku xayiran dalka Ukraine u gudbiyay, isla markaana ku wargeliyay  inay xidhiidh la sameeyaan Xafiiska xidhiidhka qurbajoogga iyo xafiisyada dublomaasiyeed ee Somaliland ku leedahay dalalka Yurub gaar ahaan Finland si loogu tabaabusheeyo qorshe ay kaga baxaan dalkaasi oo xaaladdiisa nabadgelyo ka sii darayso.

“Iyadoo xaaladda dalka Ukraine ay ka sii darayso, waxay Jamhuuriyadda Somaliland diraysaa Baaq nabadeed. Waxaanu Qalbigayaga ku haynaa una ducaynaynaa dadka reer Ukraine, waxaannu rejaynayaa xal nabadeed oo la gaadho,” Sidaas ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ku sheegay qoraalka uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka

Dhinaca kale,  Ruushka, ayaa wuxuu ugu yeedhay hawlgal Millateri oo ay qayb ka yihiin ku dhowaad 170,000 oo askartiisa ah, maraakiibta dagaalka iyo Diyaaraddaha Dagaalka oo ay wheliyaan ciidamadda dalaayaddaha ku booda cirka dhulka iyo Badda ka geliyay dalka Ukraine 24 Feb 2022.

Laxidhiidha: Britain Oo Ruushka Ku Eeddaysay Inuu Maleegayo Dagaalkii Ugu Weynaa

Dalalka reer galbeedka ee NATO, ayaa canbaareeyay duulaanka Ruushku ku ekeeyay Ukraine, iyadoo ay ka dhasheen xiisaado saamayn ku yeeshay dhaqaalaha dunida, suuqyada saamiyada oo ruxmay iyo amniga qaarada Yurub, taas oo cabsi iyo argagax ku noqotay aduunka.

 Magaaladda caasimadda ee Kyiv iyo magaalada Labaad ee ugu weyn dalkaas ee Kharkiv, waxa guddaha u galay Ciidamadda Ruushka, kaddib markii ay burburiyeen saldhiyada Millateriga Ukraine, isla markaana qabsadeen garoomadda Diyaaraddaha iyo dhammaan xarumaha millateriga, waxayna arrintaasi sababtay in qoxooti gaadhaya dhawr boqol ah ay ka carareen dalkaa, iyadoo la saadaalinayo in ku dhowaad toddoba Milyan oo qoxooti ah uu sababo duulaanka Ruushka, is;la markaana sabab u noqdo dagaalweynihii saddexaad ee dunidda, balse waxa jirta rajo yar oo ka bidhaantay gobolka, kaddib markii  maanta la bilaabay wada-xaajood u furmay ergooyin ka socda labada waddan oo ku kulmay waddanka deriska ah ee Belarus.

Khariirad muujinay dalalka ay u qaxeen dadka reer Ukarine Araweelo News Network

Laxidhiidha: Ukraine Dhacdooyinka Salka U Ah Xiisadda Ka Alloosan Ee Ruushka Iyo NATO

Dhinaca kale, duulaanka Millateri ee Ruushka ayaa sababtay inay dalalka reer Galbeedka iyo Xulafadda isbahaysiga NATO ee Maraykanku hoggaamiyo  kaga jawaabaan cuno-qabatayno dhaqaale oo lagu soo rogay dowladda iyo Ganacsada Ruushka si culays loogu saaro tallaabada Millateri ee ay ka qaadeen Dalka Ukraine, balse taas ayaa sii kordhisay cadhada Ruushka, wuxuuna Valadamir Putin amar ku siiyay Khuburada Ruushka ee Hubka Nukliyeerka in ay heeggan galaan Isniintii.

Farriinta Wasiirka Arrimaha Dibbeda Somaliland eek u waajahan Ardayda halkan ka daalaco.

Wargelinta loo diray Ardayda Somaliland ee ku xayiran Ukraine, ayaa lagu sheegay inay xafiiska Qurjeboogga ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda kala xidhiidhaan telefoonnada kala ah +252 65 4403392 ama +46 76 249 1746 iyo sidoo kale Safaaradda Somaliland ee dalka Finland oo ay kala xidhiidhayaan +358 46 8468866 iyagoo adeegsanaya barnaamijyada xidhiidhka bulshada ee WhatsApp, Signal iyo Telegram.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post