X
    Categories: Warar

Somaliland: Xukuumadda Oo Mamnuucday Mooshinada Xilalka Lagaga Qaadayo Maayarada Dalka

Wasiirka Arimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed Photo By, Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa mamnuucay fadhiyada la xidhiidha xil ka qaadista Maayarada ee golayaasha deegaanka dalka, waxaana  la laalay kalfadhiyada aan caadiga ahayn ee mooshinnada 23 degmo doorasho oo dalka ah.

Sidaan, waxa lagu sheegay  Wareegto uu soo saaray maanta  wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed oo summaddeedu tahay WAG/XW/490/51/2019 ku taariikheysan maanta oo bishu tahay 22-ka July, 2019.

Wareegtadaa, ayaa lagu socodsiiyey Guddoomiyeyaasha Gobollada dalka iyo Xildhibaannada Golayaasha Deegaanka 23 degmo doorasho ee dalka, waqradaa  ayaa oggeysiin lagu siiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, maayarrada, ku-xigeen-nadooda, Xoghayeyaasha Fulinta Dowladaha Hoose, Taliyayaasha Ciidanka Booliska, Agaasimaha Guud iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Wareegtada,  ayaa lagu sheegay maadaama muddo-xileedka loo kordhiyey goleyaasha degaanka  ka hadhsan tahay muddo-kooban, isla markaana doorashadii Goleyaasha deegaanka la galayo dhammaadka sannadkan 2019, aan haba yaraatee la qaban karin kalfadhiyo aan caadi ahayn oo loogu ololeynayo mooshinno xilalka lagaga qaadayo Maayarrada dalka.

Qoraalka wareegtada, ayaa lagu sheegay in Wasaaraddu go’aankan ka qaadatay kaddib markii laga war-helay in qaar ka mid ah xildhibaannada Goleyaasha Degaanka dalku wadaan oo si qaldan u abaabulayaan mooshinno Lagu ridayo maayarrada qaarkood, isla markaana ay xildhibaannadu si badheedh ah ugu xad-gudbeen shuruucda iyo xeerarka dalka iyo arrimo lagu tilmaamay inay yihiin kuwo  shacabka lagu kicinayo, taas oo sida wareegtada lagu sheegay horseedi karta qalalaase iyo amni-darro waxyeellaysa xasiloonida dalka.

Dhinaca kale, Wareegtada Wasiirka, ayaa kusoo beeganatay, maalin kadib markii Golaha Wakiiladu ansixiyeen xeer abuuray xiisad siyaasadeed oo wax ka bedelay derejooyinka Degmooyinka dalka iyo awooda xil ka qaadista Maayarada oo la fududeeyay.

Sidoo kale, waxay wareegtadu soo baxday xilli ay Magaalada Gebilay ka jiraan xiisad u dhaxaysa Maayarka iyo xubno golaha deegaanka ah oo doonaya inay xilka ka qaadan.

Wareegto uu soo saaray maanta wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed oo summaddeedu tahay WAG/XW/490/51/2019 ku taariikheysan maanta oo bishu tahay 22-ka July, 2019.
Wareegto uu soo saaray maanta wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed oo summaddeedu tahay WAG/XW/490/51/2019 ku taariikheysan maanta oo bishu tahay 22-ka July, 2019.
admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post