Hargeysa (ANN)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa mamnuucay fadhiyada la xidhiidha xil ka qaadista Maayarada ee golayaasha deegaanka dalka, waxaana la laalay kalfadhiyada aan caadiga ahayn ee mooshinnada 23 degmo doorasho oo dalka ah.
Sidaan, waxa lagu sheegay Wareegto uu soo saaray maanta wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed oo summaddeedu tahay WAG/XW/490/51/2019 ku taariikheysan maanta oo bishu tahay 22-ka July, 2019.
Wareegtadaa, ayaa lagu socodsiiyey Guddoomiyeyaasha Gobollada dalka iyo Xildhibaannada Golayaasha Deegaanka 23 degmo doorasho ee dalka, waqradaa ayaa oggeysiin lagu siiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, maayarrada, ku-xigeen-nadooda, Xoghayeyaasha Fulinta Dowladaha Hoose, Taliyayaasha Ciidanka Booliska, Agaasimaha Guud iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
Wareegtada, ayaa lagu sheegay maadaama muddo-xileedka loo kordhiyey goleyaasha degaanka ka hadhsan tahay muddo-kooban, isla markaana doorashadii Goleyaasha deegaanka la galayo dhammaadka sannadkan 2019, aan haba yaraatee la qaban karin kalfadhiyo aan caadi ahayn oo loogu ololeynayo mooshinno xilalka lagaga qaadayo Maayarrada dalka.
Qoraalka wareegtada, ayaa lagu sheegay in Wasaaraddu go’aankan ka qaadatay kaddib markii laga war-helay in qaar ka mid ah xildhibaannada Goleyaasha Degaanka dalku wadaan oo si qaldan u abaabulayaan mooshinno Lagu ridayo maayarrada qaarkood, isla markaana ay xildhibaannadu si badheedh ah ugu xad-gudbeen shuruucda iyo xeerarka dalka iyo arrimo lagu tilmaamay inay yihiin kuwo shacabka lagu kicinayo, taas oo sida wareegtada lagu sheegay horseedi karta qalalaase iyo amni-darro waxyeellaysa xasiloonida dalka.
Dhinaca kale, Wareegtada Wasiirka, ayaa kusoo beeganatay, maalin kadib markii Golaha Wakiiladu ansixiyeen xeer abuuray xiisad siyaasadeed oo wax ka bedelay derejooyinka Degmooyinka dalka iyo awooda xil ka qaadista Maayarada oo la fududeeyay.
Sidoo kale, waxay wareegtadu soo baxday xilli ay Magaalada Gebilay ka jiraan xiisad u dhaxaysa Maayarka iyo xubno golaha deegaanka ah oo doonaya inay xilka ka qaadan.