X
    Categories: Warar

Somaliland Xukuumadda Oo Ka Qaylisay Baraha Bulshada Oo Mucaaradku Ugu Awood Sheegtay

Waxa la Abuuray Kooxo qarsoon oo Baraha Bulshadda ah Somaliland

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Biixi, ayaa ka qaylisay Baraha Bulshada(Social Media), iyadoo sheegtay in kooxo gacan-saar la leh Mucaradka ay si khaldan ugu adeegsadaan, isla markaana ay gabood ka dhigtaan xaaladda sicir-bararka iyo Abaarta.

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud ee Somaliland Cabdullaahi Abokor Cismaan Image file Araweelo News Network.

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud ee Somaliland Cabdullaahi Abokor Cismaan, ayaa sidaa ku sheegay qoraal uu maanta soo dhigay Bogga Wasaaradda ee Facebook, wuxuuna si cad ugu eedddeeyay mucaaradka in ay adeegsanayaan kooxo baraha Bulshada ee (Social Media) oo Bulshadu ku wada xidhiidho ku daabaca xoggo iyo macluumaad uu ku macneeyay kuwo qaldan oo ku saabsan xaaladdaha abaarta iyo sicir-bararka.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in kooxahani ay daboolaan gurmad uu sheegay in wax lagaga qabanayo Abaarta iyo sicir-bararka, balse qoraalka kuma xusin tallaabooyinka ay daaha saaraan kooxaha uu sheegay ee xukuumaddu wax kaga qabatay arrimahaa oo ah kuwa si weyn looga dareemayo dalka.

“Kooxda (CBB), waxay si guracan uga warbixiyaan Xaaladda Abaarta iyo Sicir-bararka Somaliland, , waxay daboolaan gurmadka xukumadda, ganacsatadda, culimadda, iyo saxiibadda Somalland,” ayuu yidhi.

Wasiirka ayaa sheegay in kooxaha ay mucaaradku adeegsanayaan ay lamid yihiin kooxo lagu eedeeyo in dowladda Soomaaliya ay adeegsato, balse qoraalka kuma muujin caddaymaha eeddahaa iyo kooxda uu magacooda usoo gaabiyay CBB, kuwa ay yihiin iyo meesha ay ka hawgalaan.

“Abuurista Kooxdan (CBB), oo laga soo minguuriyay Ururka Ikhwaanu-Muslimiin, ee lagu dumiyay Wadamadda Yemen, Libya, Syria, iyo Masar, Sudan oo xasilooni- siyaasadeed ka jirin, waxaa kale oo isticmaalay Kooxda Nabad iyo Nolol  ( N.N)  ee Konfurta Soomaaliya, imika waxa la abuuray kooxo qarsoon oo baraha bulshadda ah Somaliland” ayuu yidhi Wasiir Cabdullaahi Abokor.

Qoraalka oo aannu ku qirin jiritaanka dhibaatooyinka Abaarta iyo Sicir-bararka, wallowuu ku afgobaadsaday in dedaal uu sheegay in arrimahaa laga wado ay kooxahaasi qariyeen.

Sidoo kale, wasiirku ku xusay in uu hordhac u yahay qormooyin taxane ah oo uu kaga warami doonno khatarta kooxdan, isagoo ku andacooday in ay xilligan adeegsanayaan mucaaradka Somaliland, si ay dadka uga indho saabaan dadaalada iyo waxqabadka xukuumada Somaliland, balse qoraalka eeddaymaha wasiirka ayaa noqday kuwo ay in baddan oo ka mid ah bulshada markii ay arkeen su’aalo iska weydiinayaan.

Hadalka Wasiir Cabdullaahi Abokor, ayaa kusoo beegmay, iyadoo shirkii gollaha wasiiradda ee ugu danbeeyay toddoobaadkii hore lagaga hadlay khatar Baraha Bulhsadu ay ku hayaan Somaliland, iyadoo xukuumaddu ugu muuqatay in jacaylkii ay Baraha Bulshada u qabtay iyo qorsheheedii hore ee u muuqday mid lagu diciifinayo warbaahinta saxda ah ay xilligan gacanteeda ka baxeen kooxo ay gacanta ku haysay oo Baraha Bulshada u adeegsan jirtay.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post