X
    Categories: Warar

Somaliland: Xukuumadda Oo Ka Jawaabtay Dhawaaqyo Eeddaymo Xanbaarsan Oo Kasoo Yeedhay Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia

Wasiirka Arimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed Photo By, Araweelo News Network

 

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa ka jawaabtay dhawaaqyo xanbaarsan eedaymo oo kasoo yeedhay Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaalida Ethiopia ee Kililka Shannaad Mustafe Cagjar, kaas oo Somaliland ku tilmaamay meel laga soo abaabulayo falal ka dhan ah amaanka dalka Ethiopia.

Wasiirka Arimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, ayaa ku tilmaamay dhawaaqa kasoo yeedhay maamulka Kililka shannaad mid aad looga xumaado oo aan qaban Somaliland, isagoo tusaale usoo qaatay dhacdooyinkii u danbeeyay ee qalalaasihii ka dhacay dalka Ethiopia, gaar ahaan Kililka Shannaad sidii ay xukuumadda Somaliland ka yeeshay iyo sidoo kale xidhiidhka Somaliland iyo Ethiopia ee soo taxnaa ilaa 1991-kii.

 

Wasiirka Arrimaha guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, “Dawladda Somaliland waxay aad uga xuntahay waxa kasoo yeedhay Madaxweynaha Dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia, waxaana u sheegaynaa in laga soo bilaabo 1991-kii markii ay Somaliland dib ula soo noqotay madaxbannaanideeda dawladda Ethiopia xidhiidh aad u wanaagsan oo walaalnimo, dersi wanaag iyo mid siyaasadeed ay Somaliland la lahayd Ethiopia.”

 

Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin, wuxuu tusaale usoo qaatay dhowaan markii shaqaaqadu ka dhacay deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Kililka Shannaad gaadiid iyo Hanti lala soo baxsaday oo dhinaca Somaliland lala soo galay, iyadoo xukuumadda Somaliland dhammaan gaadiidkaa dib ugu celisay dalka Ethiopia iyo deegaanka Ismaamulka Soomaalida Ethiopia oo lagala soo baxsaday, wuxuuna sheegay in Somaliland gaadiidkii ay celisay ay ku jireen nooca loo yaqaan Bajaajta oo ku dhex qarsoomi waayay gudaha Somaliland.

Balse waxa uu sheegay in gaadiidkii iyo Hubkii galay Soomaaliya ay iyagu maamulka Soomaalida Ethiopia ka jawaabayaan in loo soo celiyay iyo in kale.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post