X
    Categories: Warar

Somaliland Xukuumadda Oo Ka Hadashay Diyaarado Rasaas Ku Riday Degaanno ka Tirsan Gobolka Salal

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka hadashay diyaaro la sheegay inay rasaas ku rideen deegaanno ka mid ah Gobolka Salal ee xeebta Galbeed ee dalka toddobaadkan, kuwaas oo khasaare nafeed iyo maalba gaystay.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa xaqiijiyey in ay jirto rasaas ay diyaarado ku rideen deegaanno hoos yimaada Gobolka Salal, halkaasna uu khasaare ka soo gaadhay dad iyo xoolo ku noolaa, isla markaana waxa uu sheegay in dhacdadaasi lagu hayo baadhitaan.
“Wax weli la garanayo maaha ee wuxuu yidhi (Guddoomiyaha Gobolka Salal) diyaarado ayaa dhawr jeer soo wareeray deegaanka meelo ka mid ah oo rasaas ku riday, hal neef oo geel ahina wuu ku dhintay, baadhis baa socota oo markaa hadda wax kale oo laga hadli karaaba ma jiro,” ayuu yidhi Wasiir Faratoon oo isagoo ku sugan magaalada Burco khadka telefoonka ugu warramay telefishanka madaxbannaan ee Bulsho xalay.
Waxa kaloo uu xusay in baadhitaanka aqoonsiga diyaaradahan laga fulinayo gudaha dalka Jabuuti, waxaannu yidhi, “Rasaastii ay rideen iyo qasharadoodii baa la ururiyey oo la gaynayaa Jabuuti si loo dabogalo bal diyaaradahaasi nooca ay ahaayeen iyo qolada ay ahaayeenba, waxa la sheegay in diyaaraduhu ahaayeen laba meelo kala duwan oo xagga badda ka yimi ayuu lahaa (masuulka gobolka), kadibna laba meelood oo kala duwan ay rasaas ku dhufteen laba maalmood, laakiin markaanu war sugan helno ayuun baanu ka hadli karnaa.”
Guddoomiyahay iyo masuuliyiinta Gobolka Salal oo hore warbaahinta ula hadlay, ayaa sheegay rasaasta ay rideen diyaaradahan oo ku dhacay meelo ka mid ah deegaanka Caasho-caddo ee Gobolka Salal ay ku dhinteen neefaf Geel ahi, isla markaana la waayey carruur iyo xoolo kale oo sas iyo didmo ka qaaday weerarkaasi.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post