X

Somaliland: Xukuumadda Oo Ka Hadashay Cabsida Puntland Ee Boocane

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta ahna Afhayeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, 14 April 2020, Araweelo News Network

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka hadashay xiisadda ka taagan deegaanka Boocane ee ka tirsan Gobolka Sool, halkaas oo ay gaadheen ciidanka Qaranku, balse ay maamul gobolleedka Soomaaliya ee Puntland ka qayliyeen.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, Saleebaan Cali Koore, isla markaana ah Afhayeenka xukuumadda, ayaa sheegay in aannay Somaliland cidna daan-daansi ka ogolayn, isla markaana aannay doonayn in ay ku xad gudubto xuduud kale.

“Marka hore waxaan aad ugu hanbalyaynayaa dadka deegaanka Booacane soo dhowaynta ay ku qaabileen masuuliyiinta qaranka ee deegaanka tegey, waxaana ka maquutay xamaasad iyo wadaniyad ay ugu jeelanaayeen in maamulkooda, dadkoodii iyo dawladdoodu soo gaadhay.” ayuu yidhi, Koore oo warbahinta kula hadlay Sabtidii maanta Magaaladda Hargeysa.

Dhinaca kale, wuxuu sheegay in maamulka Puntland ay kala garan waayeen sacabkii, jiibtii iyo jaantii halkaa ka baxaysay ee iyagoo xanbaarsan Calanka Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo sheegay in ay kala garan waayeen sacabkii iyo xabadii oo ay rasaas u qaateen.

“Dawladda Somaliland waqtigan iyo waqti kale toona diyaar uma aha in ay cunfi dagaal ku gaadho danaheeda siyaasiga ah, laakiin haddii dadka Somaliland u gacan haadiyaan dawladdooda xukuumad ahaan waanu ku khasbanahay in aannu u tagno.” ayuu yidhi, Wasiir Koore.

Wuxuu sheegay in ay ahayd arrin cad waxa ay dadka deegaanku ugu yeedhteen xukuumaddooda, “Xukuumaddda Somaliland marna diyaar uma aha in ay xuduud kale oo Soomaaliya ka tirsan iyo dad kale faragelin ku samayso, laakiin dadka Somaliland ee ku jira xadka waa in ay ka warhayso isu imaatinkooda iyo wax wada qabsig, waana mid ay diyaar u yihiin shacabka iyo xukuumadda Somaliland.”

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, Saleebaan Cali Koore, isla markaana ah Afhayeenka xukuumadda, wuxuu sheegay in aannu waxba ka odhanayn hadalo uu sheegay in ay yihiin kuwo xanaf ah oo maamulka Puntland kasoo yeedhay, balse wuxuu sheegay in aannay xiisad siyaasadeed iyo mid dagaal diyaar u ahayn, waxa keliya uu xaqiijinayaa ay yihiin in ciidamada ka tirsan maamulka gobolka Laascaanood gaadheen Boocane oo ka tirsan maamulka Gobolka Soolm wuxuuna ku amaanay dadka deegaanka sida ay usoo dhoweeyeen ciidanka iyo maamulka dadka deegaanku.

Dadka Deegaanka ayuu ku wargeliyay in ay kusoo socdaan dooarashooyinkii, diiwaangelintii, tartankii Uurrada, sidaa awgeed waa inaa u diyaargarawdaan sidii aad Urur iyo xisbi usoo saari lahaydeen oo aad tallada dalka wax ugu yeelan lahaydeen, ayuu yidhi, wasiir Saleebaan Cali Koore, isagoo si gaar ah farriin ugu diray dadka deeganka.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post