X

#Somaliland: Xukuumadda Oo Ka Hadashay Arrimaha Doorashada Iyo Gollaha Wasiirada  Oo Awaamiir La Siiyay

Golaha wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland 5 December 2020, qasriga Madaxtooyadda Somaliland Image Araweelo News Network.

Araweelo News Network.

#Hargeysa(ANN)-Xukuumadda #Somaliland, ayaa ka hadashay qorshaha kaga aadan doorashooyinka isku lamaan ee gollaha wakiillada iyo gollayaasha deegaanka dalka oo la filayo in ay dalka ka qabsoomaan dabayaaqada bisha May 2021.

Qaabka loogu diyaagaroobay doorashooyinka iyo qorshaha xukuumaddu dhankeeda u diyaarisay, ayaa lagaga hadlay shirkii Gollaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ee maanta ka qabsoomay qasriga Madaxtooyadda Somaliland.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekadda Araweelo News Network, waxa shirkaa oo uu guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo uu weheliyo Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ka qabsoomay Hoolka shirarka golaha wasiirrada, ayaa diiradda lagu saaray arrimo muhiim ah oo la xidhiidha u diyaargarowga iyo hirgelinta doorashooyinka goleyaasha Wakiillada iyo deegaanka ee qorshaysan 31-ka Bishan May 2021.

Liiska Murrashaxiinta Gollayaasha Deegaanka Dalka Iyo Degmooyin Aan Ka Muuqan Doorashooyinka Somaliland Ee 2021

Ajandaha shirka ayaa ahaa Adkaynta Amniga doorashada iyo caddaynta xilka gollaha wasiirrada saaran,, sida lagu sheegay qoraalka waxa shirka warbixinno lagaga dhegaystay wasiirradda arrimaha gudaha iyo horumarinta maaliyadda, kuwaas oo caddeeyey inay dhammaystireen dhammaanba wixii dhanka Amniga iyo dhaqaalaha la xidhiidha ee dhinacooda looga baahnaa hirgelinta doorashooyinkaas qaranka muhiimka u ah.

#Somaliland: Tirada Dadka Is Diiwaangeliyay Natiijada Hordhaca Ah ee 2021

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo shirka ka jeediyey hadal dardaaran iyo dhiirrigelin ah, ayaa faahfaahiyey baaxadda amni iyo midda dhaqaale ee ay doorashadu leedahay iyo sida ay xukuumaddu uga soo dhalaashay kaalintii kaga aaddanayd, waxana uu yidhi,“Qolada Amnigu waxay inoo warrameen in kharashkii, ciidamadii ammaanka iyo maamulkii ay laban-laabmeen, marka doorashooyinkii hore loo eego, waxana la hawlgeliyey 11,000 oo askari, si 2,800 oo goobood ammaankooda loo sugo, intaana waxa dheer ciidamaddii kale oo heegan ku jira oo xuduudaha dhammaantood xidhaya, waana qorshe aad inoogu culus dawlad ahaan, wasaaradda Ammaankuna waxay inoo xaqiijisay in wixii miisaaniyad looga baahnaa hawlahaas dhaqaaqaya ay fuliyeen.”

 

Madaxweynuhu waxa uu caddeeyey in shaqaalaha dawladda iyo ciidamada qaranku mamnuuc ka yihiin, xukuumad ahaanna ay arrintaas dabbaqayaan,“Shaqaalaha dawladdu hadduu ciidan yahay iyo hadduu shaqaale dawladeed yahay siyaasadda wuu ka reebban yahay, waana u dhex oo shaqadii qarankuu wadaa, sharcigaana sidaas ina faraya, waana aynnu ku dhaqmaynaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Liiska Rasmiga Ah Ee Murrashaxiinta Saddexda Xisbi Ee Doorashada Gollaha Wakiillada

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu xubnaha golaha wasiirrada faray inay gutaan waajibkooda xisbi iyo midka qaran ee ka saaran hirgelinta iyo dardargelinta doorashada, kuna laabtaan gobollada kala duwan ee dalka, waxana uu yidhi,“Siyaasiyiinta, gole Baarlamaan, Dawlado hoose iyo intii Doorasho ku timi, maanta waa siyaasiyiin, waxana ay ku jiraan shaqadoodii siyaasiga ahayd oo ay xaq u leeyihiin oo nin walba laga rabaa inuu hawshiisii siyaasiga ahayd guto, markaa idinka waxa intaas idiin dheer tii siyaasiga ahayd ee xisbi ee aad ka tirsanayd idinkoo tii qarankana metelaya, labadaas koofiyadoodba waa inaad sidooda u fulisaan oo gobolladii la tago,”

 

Gebagebadii waxa lagu sheegay qoraalka kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland in gollaha wasiirradu fariin u direen qaybaha kala duwan ee shacabka reer Somaliland, iyagoo ugu baaqay inay  isku duuban oo midaysan ay ka hawlgalaan nabadgelyada amniga, kana shaqeeyaan sidii ay doorashooyinkaasi Amni iyo nabadgelyo ugu qabsoomi lahayd.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post