X

Somaliland: Xukuumadda Oo Ka Digtay In Mucaaradku Qabtaan Xuska 18May

Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed, Image Araweelo News Network, 13 Jun 2021.

Hayโ€™addaha Amniga Ayaa La Siiyay Awaamiir Culus

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa uga digtay axsaabta mucaaradka in ay qabtaan munaasibadda xuska sannad-guurada 31aad ee 18 May oo ku beegan maalinta Arbacada, waxaana la manuucay isu soo baxyo aan ahayn xuska ay qabanqabaadisa xukuumaddu u saartay guddida.

Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed oo ah guddoomiyaha guddida qabanqaabada xuska munaasibadda 31aad ee 18 May, ayaa wareegto uu soo saaray maanta oo ku taariikhaysan 16 May 2022, wuxuu ka digay in aan la aqbalayn isu soo baxyo aan ahayn kuw ay guddida xukuumaddu wado.

Arrintan ayaa timi, kaddib markii labada xisbi mucaarad maalintii Axaddii sheegeen in ay qabanayaan munaasubaddo gaar ah oo xuska 18 May ah, isla markaana aannay ka qaybgelayn munaasibadda xuska 18 May ee xukuumaddu wado qabanqaabadiisa..

Qoraalka Wasiirka oo awaamiir lagu siiyay Hayโ€™addaha amniga halkan ka akhri:

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post