X
    Categories: Warar

Somaliland: Xukuumadda Oo Jawaab Ficil Ah Ka Celisay Dhakhtar Ku Taliyay In Sheybaadhka Coronavirus La Imtixaamo

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN) -Wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland, ayaa jawaab ficil ah ka celisay hadal uu Dr. Cabdirisaaq Yuusuf Gaboobe, oo kaga hadlay mishiinka baadhitaanka cuddurka Coronavirus, kaas oo uu soo jeediyay in la hubiyo si loogu kalsoonaadoo jawaabaha shaybaadhka, kadib markii dhawr dal shaki ka muujiyeen, kuwaas oo ay ugu horayso Tansaaniya, isla markaana wuxuu ku taliyay in shaybaadhka isaga laftiisa la imtixaamo.

Hase yeeshee Wasaaradda Caafimaadka, oo si weyn uga muujisay cadho soo jeedinta Dr, Gaboobe, ayaa kaga fal celisay canbaarayn iyo in sida ay sheegtay ruqsaddii ganacsi ee dhanka caafimaadka ay kala noqotay Dr. Cabdirisaaq Yusuuf Gaboobe.

Sidaana waxa sheegay Agaasimaha guud wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo ka jwaabayay hadalka Dr Cabdirisaaq Yuusuf Gaboobe, waxaanu xusay in ay ugudbin doonaan hay’addaha ku shaqada leh, isagoo bulshada ugu baaqay in aan wax adeeg bixin caafimaad ah loo doonnan dhakhtarkaa.

 “Aad iyo aad ayaan uga xumahay qof ka ganacsanaya waddanka, oo liisan ka helay wasaaradda caafimaadku weliba waxaa uu ibinayaa aannay ahayn wax adduunyadu ay isku raacsan tahay oo waxtara in uu maanta duro, mashiinkii caafimaadka ee waddanka lagu maamulayay oo dhan.” Ayuu yidhi.

“Ninkaasi maanta laga bilaabo waxaa ay wasaaradda caafimaadku kala noqotay ruqsadii ay siisay ee uu ku shaqeysanayay, ee ahayd ogolaanshiyaha inuu ka shaqeyn karro Somaliland.” sidaa ayuu yidhi Agaasime Xergeeye, wuxuuna xusay in ay hay’adda ku shaqada leh,  u gudbinayaan arrinta dhakhtarkaa, isagoo yidhi, “waa in aanu ka shaqeyn karrin qof caynkaa oo kale ah Qaranka Somaliland, dadkuna aannay adeeg u doonan karin, iyada oo uu shaki weyni ka jiro waxaa uu gacanta ku hayo.”ayuu yidhi. Dr, Xergeeye.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post