X

Somaliland: Xukuumadda Oo Indhaha Ka Qarsatay Xaaladda Sii Xumaanay Ee Maceeshada Iyo Xildhibaan Guruuje Oo Ku Dhaliilay

Xildhibaan Axmed Yuusuf Nuur Guruuje , Image Araweelo News Network, 7 Desember 2021.

Araweelo News Network.

Xukuumadda waxaan leeyahay meel aad dheggaha ka furaysataan ma joogto”Guruuje

Hargeysa(ANN)-Xaaladda nolosha ayaa sii adkaanay maalinba maailnta ka danbaysa, iyadoo muddooyinkii u danbeeyay maceeshada quutal-daruuriga iyo qiimaha shidaalku kor usii kacayeen suuqyada Somaliland, isla markaana aannay waxba ka qaban xukuumadda Madaxweyne Biixi.

Dhawaaqyo kasoo baxay Wasiirka Ganacsiga Somaliland,  Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) oo wax laga weydiiyay maceeshada qaaliga ah iyo doorka xukuumadda, ayaa ka cadhaysiiyay Bulshada, wallow xukuumadu ay xabsiga dhigtay maalmihii Isniintii ganacsatada wershadlayda roodhida ee magaalada Hargeysa.

Hase yeeshee  Xildhibaan Axmed Yuusuf Nuur Guruuje oo ka mid ah xildhibaanada gollaha wakiillada Somaliland ee dhowaan la doortay, ayaa si adag uga hadlay xaaladda nollosha ee bulshada, isagoo xukuumadda ku eedeeyay in aannay wax tallaabo ah qaadin oo ay daawanayso.

Laxidhiidha: Somaliland: Qiimaha Maceeshada Oo Si Weyn U Kordhay Labadii Billood Ee U Danbeeyay

Xildhibaan Guruuje oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa yidhi, “Waxaad moodaa in dhegaha laga furaystay xaaladda maanta ka jirta dalka, markaa xukuumadda waxaan leeyahay meel aad dheggaha ka furaysataan iyo meel aad indhaha ka qarsataan ma joogto.

Dhinaca kale, wuxuu xildhibaan Guruuje usoo jeediyay xukuumadda tallooyin wax lagaga qaban karo xaaladda nollosha ee sii xumaanay.

Muuqaalkan ka Daawo

https://youtu.be/x3BQSkRF0XM

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post