X

Somaliland: Xukuumadda Oo Go”aan Kasoo Saartay Qaabka Sharciga Ah Ee Loo Waajahayo Kiisaska Kufsiga

Gollaha Wasiiradda Somaliland, Image Araweelo News, 18 April 2024, qasriga Madaxtooyadda Somaliland ee Hargeysa.

 

Gollaha Xukuumadda Oo Ka Hadlay Fayriska xummadda (Dengue Fever) Ee Ku Habsatay Dalka

#Araweelo_News_Network.

 

 

Hargeysa (ANN)- Gollaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,  Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagaga hadlay xannuunka Fayriska xummadda  (Dengue fever) oo ku habsatay dalka markii saddexaad iyo arrimo la xidhiidha Nabadgelyada,  Doorashooyinka iyo kiisaska kugsiga ee soo badanaya oo go’aan laga soo saaray.

Sida lagu sheegay qoraal saxaafadeed kasoo baxay kulanka kaddib ayaa lagu xusay in Madaxweunaha uu ku weheliyay guddoomintiisa Madaxweyne ku xigeenka Qaranka, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)  ayaa  lagu lafo-guray qodobo kala duwan.

 

Qoraal saxaafadeedka Gollaha Wasiirradu waxa uu war-bixin guud oo la xidhiidha amniga dalka ka dhegaystay wasiirka arrimaha Guddaha, ahna gudoomiyaha Xisbi Xaakimka Kulmiye, mudane Maxamed Kaahin Axmed, isagoo  gollaha warbixin ka siiyay xaaladda  amniga guud ee dalka iyo xaaladda nabadgelyada mandaqadda geeska Afrika, isagoo gollaha ku wargeliyey qorshaha xisbiga kulmiye ee u diyaargarow arrimaha doorashooyinka, Madaxtooyadda iyo Ururadda.

Warka qoraalka ah ayaa lagu sheegay in sidoo kale golluhu warbixin la xidhiidha xaaladda xannuunka xumadda (Dengue fever) oo mudooyinkan ka jirtay dalka ka dhegeystay Wasiir ku xigeenka Horumarinta Caafimaadka,  Liibaan Yuusuf Gaaxnuug oo ku dheeraaday dedaalka ay ka wasaarad ahaan kaga jiraan, dhammaan xanuunnada kala duwan ee ay ka midka tahay xumaddu oo sannadkii saddexaad dalka kusoo noq-noqotay, wallow aan lagu muujin qoraalka heerka uu marayo Fayriska (Dengue Fever) ee xumadda, tirada dadka uu asiibay iyo ilaa hadda dadka u dhintay ee ay galaafanay nolloshooda, amma Cusbitaalada u jiifta.

Laxidhiidha: Sidee Uga Badbaadi Kartaa Xanuunka Dengue Ee Galaaftay Nollosha Dad Baddan

Dhinaca kale, qoraal saxaadadeedka ayaa lagu xusay inuu dhankiisa  Gollaha la wadaagay qorshaha Qaran ee u dejisan Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka, madaama dalku u jihaystay doorashooyin, Wasiirka Warfaafinta,  Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan).

Sida lagu xusay qoraalka kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda Somaliland, shirka waxa ugu danbayntii dood iyo falan-qayn dheer kaddib go’aan golle kasoo saaray arrimaha soo noq-noqday ee la xidhiidha kufsiga, waxayna Gollaha wasiiraddu go’aamiyeen in Nidaamka Garsoorka loo daayo go’aamada ay ka gaadhayaan arrimaha Kufsiga, madaxda dhaqankuna aannay soo faro-gelin, oo aan lagu xalin karin arrintaasi dariiq dhaqan, mid garsoor mooyee,”

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post