X
    Categories: Warar

Somaliland: Xukuumadda Oo Diiday Qorshaha Moosinka Xoolaha Ee Xajka Oo Sucuudigu Ku Xidhay Shuruud

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland,  ayaa diiday  war kasoo baxay Boqortooyada Sucuudiga oo shuruudo adag ku xidhay xoolaha ugu badan ee ay Somaliland u dhoofin jirtay dalkaa xiliga moosinka  Xajka sannad walba.

Shuruuda Boqortooyada Sucuudigu ku xidhay xoolihii ay Somaliland u dhoofin jirtay,  oo ah mid cusub oo aan hore u jirin, ayaa ah, in sannadkan Dawladda Sucuudiga kusoo rogtay xoolaha dalkeeda la geynayo wakhtiga Moosinka Xajka ay haystaan Warqad Caafimaad oo ay bixisay Dawladda Federaalka Soomaaliya.

 Xukuumadda Somaliland, ayaa arrintaa ku tilmaantay mid aanay marnaba aqbalayn, waxaana uu sheegay Wasiirka Wasaarrada Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Somaliland, Dr. Xasan Cali Maxamed (Gaafaadhi) oo maanta Warbaahinta kula hadlay Xafiiskiisu in go’aanka dawladda Sucuudiga aanay aqbalayn.

 “Waxaan u sheegaynaa cid kasta in Xoolo ka dhoofinay Dekeddaha Somaliland oo sita Warqad laga sameeyey Soomaaliya aanay jiri doonin” ayuu yidhi Wasiir Gaafaadhi, wuxuuna intaa ku daray “Xoolaheenu sidii ay u dhoofi jireen ee aanu sharciga ku siin jirnay ayey u dhoofayaan amma Xoolaheena waynu haysanaynaa..”

Wasiirka ayaa si adag u sheegay in aanay Somaliland qaranimaddeeda ku iibsanayn Xoolaha Sucuudigu ka iibsanayo haddii aan nidaamkii hore la raacin oo ay wax ka bedelaan.

Somaliland, ayaa xilliga mooshinka Xajka sannad walba u dhoofisa Dalka Sucuudiga xoolo gaadhaya ugu yaraan 3milyan oo nee foo adhi ah, walaw sannadkii u danbeeyay tirada xoolaha loo dhoofiyay xajka ay ka yaraayeen kuwii sannadii hore loo dhoofin jiray xilliga Xajka oo keliya.

Xukuumadda Somaliland, ayaa hore u sheegtay inay ka mid tahay xulufada Sucuudiga ee kasoo horjeeda xiisada dalka Qadar iyo sidoo kale khilaafka sii xoogaystay ee u dhexeeya Iran, iyadoo aan waxba kaga bedelan Sucuudiga, balse dawladda Federaalka ee Soomaaliya oo aan awood badan lahayn ayaa diiday inay qayb ka noqoto xulufadaa, iyadoo sheegatay inay dhexdhexaad ka tahay xiisadahaa.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post