X

Somaliland: Xukuumadda Oo Caddaysay Mawqifkeeda Doorashada Madaxtooyadda

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Jmahuuriyadda Somaliland, Isla markaana ah Afhayeenka Xukuumadda Somaliland, Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) Araweelo News Network Image File 20 April 2020.

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa caddaysay mawqifkeeda ku waajahan doorashadda Madaxtooyadda, waxayna si cad u shaacisay qorsheheeda cidda ka qaybgelay marka la gaadho xilligeeda.

Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo wacyogelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa waraysi uu siiyay Idaacadda BBC, laanteeda Af-soomaaliga, wuxuu waxba kama jiraan ku tilmaamay dhaliilo uu guddoomiyaha Xisbiga ugu weyn mucaaradka ee WADDANI, Xirsi Cali Xaaji Xasan u jeediyay.

Dhaliilahaa, ayuu kusoo bandhigay Guddoomiye Xirsi Balanqaadyadii Baaqday ee Madaxweyne Biixi iyo Hadalo uu sheegay in ay beenoobeen Afartii sannadood ee uu xilka hayay, balse Wasiir Koore, wuxuu difaacay eeddaha iyo dhaliilaha Guddoomiyaha WADDANI.

Laxidhiidha: Balanqaadyadii Baaqday Iyo Hadalladii Beenoobay Ee Xukuumadda Madaxweyne Biixi” Guddoomiye Xirsi

Sidoo kale, wuxuu sheegay in doorashada ururrada siyaasadu ay kasoo horaynayso doorashadda madaxtooyadda, kadibna saddexda urur ee kusoo baxa tartanka Ururrada ay doorashada madaxtooyadda ku tartamayaan, kuwaas oo noqonaya xisbiyadda rasmiga ah ee tobbanka sannadood ee soo socda.

Wallow uu sheegay in doorashadda madaxtooyadu ay wakhtigeedii ku qabsoomayso oo aan maalin lagu dari doonin, balse wuxuu carabka ku adkeeyay in doorashadda ururrada siyaasadu marka hore dhacayso.

“Waxaa la iclaaminayaa 45 cisho oo loogu diyaar garoobayo ururrada cusub, xukuumadda aan afhayeenka u ahay hal maalin ku dari mayso, marka intasoo talaabo la qaado saddexda xisbi ee soo baxaa waxay galayaan doorashadii madaxtooyadda.” ayuu yidhi Wasiir Koore.

Mar uu ka jawaabayay in maadaama doorashadda Madaxtooyaddu kasoo horayso muddada ay ku egtahay taariikhda Ururrada, sababta ay doorashadda Madaxtooyadda dib ugu riixayaan, wuxuu sheegay in Lix bilood ka hor ay hawsha Is diiwaanta ee nidaamka Ururradu soconay, sidaa awgeed marka hawshaa la dhammaystiro saddexda Xisbi ee soo baxaa gelayaan tartanka Madaxtooyadda.

Dhinaca kale, mar la weydiiyay in arrinta mucaaradku ku eeddaynayaan ee mudda kordhinta ay ku gaadayaan xukuumad ahaan, wuxuu sheegay in haddii aannay iman asbaab macquul ah oo lagu kordhiyaa aannay diyaar u ahayn mudda kordhin xukuumaddu.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post