X
    Categories: Warar

Somaliland: Xukuumadda oo Beenisay War Ay Faafisay BBC-du

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa beenisay War maanta lagu baahiyay Idaacadda BBC-da laanteda Afsoomaaliga.

Sidaana waxa lagu sheegay War ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinyta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland oo lagu daadifeeyay in aannay waxba ka jirin Warka maanta duhurkii ay baahisay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da.

Warka BBC-da ay faafisay, waxay ku tidhi, “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu kulan xafiiskiisa kula yeeshay Wufuud ka socota Beesha caalamka,kuwaasi oo galabtanna la shiraya axsaabta siyaasadda.”

Hase yeeshee Warka qoraalka ah ee Wasaaradda Warfaafinta oo soo gaadhay galabta oo lagu baahiyay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay warka ay baahisay Idaacadda BBC-da, isla markaana ku tilmaantay mid xaqiiqada ka fog.

” Waxaanay Wasaaraddu  caddanaysaa in aanu jirin kulan uu maanta Madaxweynaha JSL Md.Muuse Biixi Cabdi la yeeshay weftigaas beesha caalamka ee ay BBC-du sheegtay inay la shireen.”

Sidaas awgeed qoraalka Wasaaradda Warfaafintu, waxay Idaacadda BBC-da usoo jeedisay inay ka waantoobaan wararka noocan oo kale ah ee sameyska ah ee ay ka faafinayaan JSL, taasi oo nusqaan ku ah idaacadaas caalamiga ah oo indhaawle noqotay mid si joogto ah warar aan jirin uga faafisa Jamhuuriyadda Somaliland. ayaa lagu yidhi, qoraalka Wasaaradda warfaafinta Somaliland.

Wasaaradda Warfaafintu waxa kale oo ay sheegtay inay ku boorinaysaa Laanta Afsoomaaliga ee BBC-du inay ilaaliso karaamada dhegaysteyaasheeda oo aannay baahin warar been abuur ah.

Dhinaca kale, wefdiga ka socday Beesha caalamka oo maanta Hargeysa soo gaadhay, ayaan la ogayn qorshohooda iyo ujeedada ay yimaadeen Somaliland, balse waxa jira warar sheegaya in socdaalkoodu la xidhiidho khilaafka Siyaasadeed ee ka taagan arrimaha Doorashooyinka.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post