X

Somaliland: Xukuumadda Oo Awaamiir Kusoo Rogtay Shirkaddaha Isgaadhsiinta

Cabdiweli Sheekh Suufi,

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa awaamiir cusub kusoo rogtay shirkaddaha Isgaadhsiinta.

Qoraalka wareegatada ayaan lagu cadayn shirkaddaha  Isgaadhiinta ee ay khusayso kuwa ay yihiin iyo halka ay ka hawlgalaan, waxayse Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tegnoolajiyadda, qoraalka wareegtada ku sheegtay in loo qabtay in ay ku dhaqangeliyaan laga bilaabo 1 January 2022.

Balse, waxa wareegtada ay soo saartay wasaaraddu kaga hadashay Fariimaha Xayaysiiska iyo Ogeysiisyada ah ee shirkaddaha isgaadhsiintu ay bulashada adeegyadooda isticmaasha ugu gudbiyaan.

Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tegnoolojiyadda  Cabdiweli Suufi Jibriil, ayaa qoraal uu kus saxeexanyahay oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network, ayaa ku amrtay shirkaddaha in aanay bulshada u gudbin karin farriimo xayaysiis ama Ogeysiin ah.

Amarka wareegtada ayaa lagu sheegay in shirkaddii u hoggaansami weyda tallaabo sharci ah laga qaadi doono, wallow aan si cad aannay ugu muujin wasaaraddu kuwa ay yihiin shirkadduhu.

Dhinaca kale,  waxa lagu sheegay wareegtada in shirkaddaha isgaadhsiintu xaq u leeyihiin inay bulshada ay gaadhsiiyaan farriimo ku saabsan adeegyada ay bixiyaan, balse aanay xaq u lahayn inay farriimaha xayaysiisyada iyo ogeysiisyada shirkaddaha kale gaadhsiiyaan macmiil aanay oggolaanshiyo ka haysan.

Qoraalka, wareegtada, ayaa lagu xusay in shirkaddaha isgaadhsiinta xaq loogu leeyihiin inay sameeyaan ama hirgeliyaan adeeg-farsamo oo macmiilka u sahlaya inay iska xidhi karaan farrimaha aanay oggolayn inay soo gaadhaan ee kusoo dhaca Moobiladooda.

Markaan arkay Xeerka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Xeer/ Lr. 50/2020, qodobkiisa 3aad  faqradiisa 16aad iyo 17aad, markaan arkay xeerka kala xadaynta nidaamka xukuumadda iyo Hay’addaha Madaxabannaan xeer Lr,  71/ 2015, qodobkiisa 22aad faqradiisa B iyo C, iyo qodobkiisa 42aad faqradiisa 9aad.

Markaan arkay, Xeer-nidaamiyaha dhismaha wasaaraddaha iyo hay’addaha xukuumadda, xeer Lr, 01 / 2018, qodobkiisa 18aad faqradiisa 1aad.

Markaan arkay, baahida loo qabo in la nidaamiyo, isla markaana la maamulo suuqa xayaysiiska Isgaadhsiinta.

Waxaan soo saaray Wareegto Wasiir oo nidaaminaysa farriimaha xanbaarsan xayaysiisyada, ogeysiisyada, waxay hirgeli doonta kowda bisha January 1/1/2022,  kana kooban qodobadan soo soda.” Ayaa lagu yidhi, amarka wareegtada.

Afar qodob oo nuxurka wareegtadu xanbaarsanayd, ayaa u dhiganaa sidan:-

In shirkaddaha isgaadhsiintu xaq u leeyihiin gaadhsiinta iyo la socodsiinta macaamiishooda adeegyada isgaadhsiineed ee ay iyagu bixinayaan oo kali ah.

In farriimaha isgaadhsiineed ee xanbaarsan xayaysiisyada, ogaysiisyada ay shirkaddaha isgaadhsiintu u qabanayaan cid kale (third Party advertisement) ay ku gaadhi karaan macmiilka ogolaanshiyo laga helayo macmiilka.

In farriin kasta oo uu macmiilku helayo,  isla markaana xanbaarsan xaysiis, ogeysiis cid kale leedahay ay lahaato qayb awood u siinaysa macmiilka in uu iska xidhi karo, ama iska joojin karo (Opt-in Feature).

In laga qaado shirkadda jebisa wareegtadan ganaaxyada uu qeexayo qodobka 73-aad ee xeerka Boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland Xeer.Lr.50/2020.”  ayaa lagu yidhi wareegtada uu soo saaray Wasiirka Isgaadhsiinta Somaliland Cabdiweli Suufi Jibriil oo ku taariikhaysan.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post