Maxay Yihiin Qorshayaasha Loo Diray Xukuumadda Iyo Xilliga Loo Qabtay?
#Araweelo _News _Network
Hargeysa-(ANN)-Xukuumadda Cusub ee Somaliland, ayaa bayaamisay qorshayaal daraasad hal-xidhale ah oo laga doonayo xubnaha gollaha wasiirrada ee dhowaan Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) magcaabay, kuwaas oo yeeshay fadhigii Afraad oo lagu soo qaaday arrimo baddan.
Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) oo uu weheliyo madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa lagaga hadlay arrimo mihiim u ah danaha Qaranka Somaliland ah, iyadoo halku dhega xukuumadda cusub uu yahay “wada-jir iyo wax-qabad.”
Sida lagu sheegay qoraal saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxwaynaha waxuu gollaha wasiirrada ka dhegaystay warbixino kala duwan oo mihiim u ah dannaha Qaranka Somaliland, kuwaas oo lahaa xag amni, dhaqaale, arrimo bulsho iyo weliba dhoofka xoollaha nool oo ah laf dhabarta dhaqaalaheena.
Sidoo kale, Wasiirka amniga guddaha Cabdala Maxamed Carab (Sandheere) ayaa gollaha warbixin ka siiyay xaallada guud ee dalka iyo heerka mniga dalku sugan yahay, wallow aan faah-faahin laga bixin arrimaha dhanka Amniga ee lagu xusay war-saxaafadeedka.
Dhinaca kale, Wasiirka Maaliyadda iyo horrumarinta dhaqaallaha Cabdullaahi Xasan Adan Cawaale ayaa dhankiisa golaha uga xog waramay xaallada guud ee dhaqaallaha dalka iyo sidii loo dardar-galin lahaa cashuuraha iyo dhakhli ururinta, isagoo soo jeediyay xukuumad ahaan in loo baahan yahay innay isku tashato, isla markaana gunti-gijis loo diyaar garaabo si looga baxo xaallada dhaqaale.
Wasiirka Maaliyadda ayaa Cabdullaahi Xasan, ayaa usoo jeediyay gollaha xukuumadda in la samaynaayo guddi isku dhaf ah oo ka kooban wasaaradda Maaliyadda iyo baanka Jamhuuriyadda Somaliland, si ay uga soo talo bixiyaan xaallada guud ee dhaqaallaha dalku halka uu maraayo iyo sidii loo xakamayn lahaa sicir-bararka iyo sarif bararka.
War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in golluhu war-bixin ka dhegystay wasiirka Xannaanada Xoollaha iyo Horumarrinta Reermiyiga Cumar Shucayb Maxamed Cabsiiye , isagoo ka xog waramay dhaq-dhaqaaqyada dhoofka xoollaha iyo caqabadaha hor taagan ee loo baahan yahay in wax laga qabto, maadamaa ay xoolluhu yihiin laf dhabarta dhaqaallaha dalka.
Warbixinta uu la wadaagay gollaha ayuu ku xusay sanadkii ina dhaafay tirada xoollaha dalka ka dhoofay ay ahaayeen 3,718,966 neef oo isku jira Adhi, Lo iyo Geel, wallow aan lagu faah-faahin ishinka sida ay tiro ahaan kala ahaayeen.
Dhankiisa Wasiirka Caafimaadka Dr Xuseen Bashiir Xirsi ayaa dhinaciisa gollaha war-bixin ka siiyay xaalada guud ee caafimaadka dalka, waxaana uu sheegay inay wasaaradiisu iyada oo ka duulaysa wajibaadkeeda Qaran ay ku hawlan tahay bixinta adeegyada caafimaadka iyo ka jawaabista xaaladdaha deg-deg ah, haddii ay noqoto xag daawo, xag gaadiid iyo xag shaqaaleba.
Hase yeeshee war-bixin kooban waxa dhankiisa gollaha siiyay Wasiirka wasaaradda Madaxtooyada Khadar Xuseen Looge ayaa gollaha uga xog waramay qorshaha 100 maalmood ee xukuumadda “Wada-jir iyo wax-qabad” u qorshaysan, taas oo la iswaafajinaayo qorshaha horumarinta iyo lixda tiir ee Barnaamij siyaasadeedka xisbiga, waxaana uu sheegay in xukuumadda ay bulshadu uga fadhido wax qabad muuqda oo sameyn ku leh nolosha bulshadeena.
Gebagebadii Madaxweynaha Qaranka Somaliland ayaa gollaha wasiirrada faray si la isku waafajiyo balanqaadyadii xukuumada iyo barnaamij siyaasadeedka xisbiga in wasiir kasta muddo 15 cisho ah ku soo diyaariyo war-bixin guud oo la xidhiidha wasaarradiisa wixii mashaariic socda, u qorshaysan, cida maalgelisa iyo faa’iidada mashaariicdaasi u leeyihiin baahiyaha bulshadeena.
Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.
Araweelo News Network.
info@araweelonews.com