#Araweelo_News_Network

Hargeysa(ANN)-Somaliland: Xisbiga KULMIYE, ayaa soo bandhigay Wax-qabadka Xukuumadda ee banalqaadkii Barnaamijka Siyaasadeed ee 2017 -2022, kaas oo lagu soo bandhigay muuqaalka Dukumenteriga halkan, si Bulshada loogu xaqiijiyo wixii ay Xukuumadda KUlmiye Balanqaaday.

 

Ujeedada Barnaamijku xanbaarsan yahay ayaa ah in Bulshadu ka garawdo balanqaadkii Xilligii Ollolaha ee Xisbiga KULMIYE, 2017 ilaa 2022, waxaana  Dukumenteriga lagu soo diyaariyay muuqaalkan si cad u qeexayaa tiirarka balanqaadkii, wixii ka hirgalay ee uu fuliyay Xisbiga KULMIYE iyo balanqaadka wixii ka qabyoobay oo si badh ah loogu qeexayo halkan.

Todoba rukun oo ah kuwa ugu waaweyn balanqaadkii ayaa lagu sharaxayaa muuqaalka, Sidoo kale, waxa weheliya fulinta waxyaabo dheeri ah oo ay fuliyeen Xukuumadda iyo Xisbigeeda KULMIYE oo aannay Bulshadu xog-ogaal u ahayn, balse laga sugayo garawshiiyahooda marka ay si degan u dersaan muuqaalkan, taas oo go;aamin doonta kalsoonida in Bulshadu markii saddexaad ugu aaminaan codkooda Xisbiga KULMIYE iyo Murrashaxa markii labaad Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo ku xigeenkiisa Maxamuud Xasan Sacad (Saajin).

Muwaadin kasta oo Somaliland, waxa ku waajib ah inuu si degan u daawado Muuqaalkan.