X
    Categories: Warar

Somaliland: Xukuumadda Oo Jawaab Ka Bixisay Xadhiga Xarumaha Universal Iyo Star Ee Hargeysa

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa xidhay xarunta Telefishinkii labaad laba maalmood kadib markii ay maanta Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland Albaabada u laabeen xarunta Telefishinka Universal ku leeyahay magaalada Hargeysa, iyadoo hore xukuumaddu isla sidan ula wareegtay xarunta Telefishanka STAR ee Magaalada Hargeysa.

Agaasimaha Telefishanka Universal ee Hargeysa, Maxamed Caabi Digaale, ayaa warbaahinta u sheegay in askar boolis ah ay u yimaadeen xilli ay ku guda jireen warkii duhurnimo, isla markaana ay shaqaalihii ka saareen xarunta, sidaana kula wareegeen.

 

“Waxay yidhaahdeen waxaa na soo diray wasaaradda warfaafinta ee Somaliland, oo tidhi, “ruqsadii baa lagala noqday TV-gaas, laga billaabo saacaddaaTV-ga wax shaqa ah ma qaban karo Somaliland, sidii baa albaabada loogu laabay, shaqaalahana looga dareeriyay,” ayuu yidhi, Agaasimaha Universal Maxamed Caabi.

Wuxuu sheegay inkasta oo aan loo keenin warqad maxkamadeed oo cadeynaysa dacwadda loo haysato, balse uu tuhunsan yahay in xaruntooda loo xidhay xafladdii 26-ka June oo uu sheegay inay isku mar tebinayeen munaasabadihii ka socday Hargeysa iyo Muqdisho.

 

Dhinaca kale, Wasiirka warfaafinta ee Somaliland, Suleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa ka hadlay sababta loo xidhay Telefishankaa, wuxuuna ku sababeeyay in xarunta telefishinka Universal ee Hargeysa la xidho kadib markii sida uu sheegay TV-gu diiday baahinta khudbaddii madaxweyne Muuse Biixi ee habeenkii 26-ka June ka socotay Qasriga Madaxtooyadda Somaliland.

 

Wasiir Koore oo Idaacadda BBC-da laanteeda Af-soomaligu weydiisay sababta ay xukuumad ahaan u tixgelin waayeen farqiga u dhexeeya warbaahinta dowladda iyo ta gaarka loo leeyahay, wuxuu wasiir Koore ku jawaabay:

 

“Marka ay joogto maalmaha qaranka, cid kasta ama Warbaahinta gaarka loo leeyahay (private) ha noqoto ama  public) ta dawladda ha noqoto xafladahaasi qaran ee ka socda deegaannada uu ka hawlagalayo waa in laga qeyb qaati, hawada uu ku shaqeysto iyo dhulka uu ku shaqeysto iyo meesha uu faa’iidada ka helayo waa Somaliland,” ayuu yidhi, Wasiir Saleeban Koore.

 

Sidoo kale, wuxuu ku dooday Wasiir Koore  in sababta ugu weyn ee ay telefishinkaasi u xidheen ay tahay inuu xurmeyn waayay maalintaa ay xornimada qaadatay Somaliland, isagoo yidhi,  “Maalmuhu waa 365 maalmood sannadkii, haddii intaa oo dhan uu dalka kaga shaqeysanayo oo dhammaan shirkadihii xayeysiiska kaga qaadanayo, saddex maalmood oo ah maalmaha qaranka inuu baahiyo hadduu diido, anaguna 362-da maalmood oo kale ayaan u diideynaa,” ayuu yidhi, Koore.

 

Dhinaca kale, tallaabada ay Booliska Somaliland maanta kula wareegeen xaruntii Telefishanka Universal, ayaa kusoo beegantay maalin kaddib markii ay Boolisku sidan oo kale ula wareegeen xaruntii Telefishnaka Star ee Hargeysa, iyadoo Wasiirku sheegay in ay dib ka sheegayaan sababta xadhiga Telefishanka Astar.

 

Xukuumadda Somaliland, ayaa sidan oo kale horre ugu xidhay badhtamihii Jun 2019, xarunaha Telefishanada Eryal iyo Horyaal ee Hargeysa, balse muddo kaddib ay xoriyadooda usoo celisay, iyadoo sidan oo kale dhammaadkii 2018, ayay xukuumadda Somaliland xidhay xarumaha laba Telefishan oo kala ah SBS iyo SOMNews, kuwaas oo maalmo kaddib dib loogu celiyay xorriyaddooda.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post