X

Somaliland: Xukuumadda Ganafka Ku Dhufatay Dalabka Mucaaradka Ee Banaanbaxa

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed 19 March 2020 Araweelo News Network

Wasiirka Arrimaha Guddaha Maxamed Kaahin Muxuu Kaga Jawaabay Dalabka Mucaaradka?

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa ganafka ku dhuftay qoraal codsi ah oo axsaabta mucaradku ku dalabayaan mudaharaad salmi ah, si ay dareenkooda ugu cabiraan, maadaama lagu jiro xilli xaasaasim ah.

Laxidhiidha: Somaliland: Khilaafka Siyaasada Oo Sii Xoogaysanaya Iyo Dhawaaqyada Sii Hurrinaya Xiisadda

Labada Xisbi mucaarad ee WADDANI iyo UCID, ayaa dalabkooda ku sheegay in ay ka codsanaayan wasaaradda arrimaha guddaha in loo ogolaado bannaanbax ay ku magcaabeen “Badbaadada Somaliland.”

Hase yeeshee Wasiirka Arrrimaha Guddaha Somaliland, Maxamed Kaahin, ayaa sheegay in aannu aqbalin warqada ay maanta Mucaaradka usoo u gudbiyeen.

Wasiir Kaahin, wuxuu diidmada codsigaa bedelkiisa kaga  codsaday guddoomiyayaasha Mucaaradka inay u yimaadaan si ay uga wadahadlaan bannaanbaxa ay doonayaan.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in bannaanbaxa xeer jideeyay, balse loo baahan yahay in si mas’uulliyadi ku jirto looga wadahadlo.

Dalabka axsaabta Mucaraadka, ayaa kusoo beegmay, iyadoo ay dalka ka jirto xiisad siyaasadeed oo saaxada si weyn looga dareemayo, iyadoo warbaahinta qaarkood sida muraayaddaha layska arko dhawaaqyo xanbaarsan dhiilo colaadeed oo si weyn shacbigu uag wisiisiyeen.

Khilaafka sii xoogaysanaya ee u dhexeeya Xukuumadda Somaliland iyo labada Xisbi mucaarad ee WADDANI iyo UCID, ayaa salka ku haya murranka doorashooyinka Madaxtooyadda ee loo balansanaa 13 November 2022 iyo sharciyada Axsaabta oo muddadoodu ahayd tobban sannadood, isla markaana ku eeg December 2022.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post