X

Somaliland Xukuumadda Cusub Oo Daah-furtay Qorshe Lagu Diiwaangiyo Gaadiidka Dawladda

 

#Araweelo_News_Network

 

Hargeysa (ANN)-Xukuumadda cusub ayaa daah-furtay qorshe lagu diiwaangelinayo Gaadiidka dawladda, kass oo loogu samaynayo Buugga gaadiidka dawladda.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa daah-furay bilowga qorshaha Diiwaangelinta iyo samaynta Buugga gaadiidka Dawladda oo si rasmi ah loo bilaabay dalka oo dhan.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland,  Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa ku tilmaamay in daah-furka diiwaangelinta samaynta buugga gaadiidka dawladda ee ka bilaabmatay guud ahaan dalka looga gol leeyahay in la tirakoobo, lana Diwaangeliyo dhammaan Gaadiidka dawladda, taas oo socon doonta muddo bil ah, iyada oo ka qabsoomi doonta dhammaanba gobollada dalka.

Munaasibadda daah-furka diiwaangelinta samaynta  Buugga gaadiidka dawladda, waxa madaxweyne ku xigeenka kala qaybgalay wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka,  Cismaan Ibraahim ( Cismaan Afgaab )Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda,  Muniir Axmed Cigaal, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka,  Eng Ahmed Muxumed Cabdi Agaasimaha Waaxda Gaadiidka iyo Farsamada iyo sidoo kale, Agaasimaha Waaxda Liisamadda, shaqaaalaha Diwaangelinta.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post