X

Somaliland: Xoghayaha WADDANI Oo Madaxweyne Biixi Ugu Baaqay Inuu Xilka Iska Casilo Dalkana Ku Badbaadiyo Doorasho

Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI, Khadar Xuseen Cabdi, Image Araweelo News Network, 24, August 2022.

“Foolxumada cawaaqibka ka dhashay hoggaamintaas gurracan shanta Sannadood Madaxweyne Biixi, waa taas maanta aanu dafiri karin xitaa muxaafidku”Xoghaye Khadar

#Araweelo _News _Network.

Hargeysa(ANN)-Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, Khadar Xuseen Cabdi, ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi inuu xilka isaka casilo, isla markaana qabto doorasho dalka lagu badbaadiyo.

 

Xoghayaha WADDANI, wuxuu sidoo kale ka hadlay dhibaatooyin siyaasadeed oo sida uu sheegay dhacay muddadii shanta sannadood ee Madaxweyne Biixi talllada dalka hayay, kuwaas oo aan hore uga dhicin Somaliland.

 

Qoraal uu soo dhigay Xoghaye Khadar barta uu ku leeyahay Shekabakadda Facebook, ayuu ku sababaeeyay soo jeedintiisa uu Madaxweynaha kaga dalbanayo inuu xilka iska casilo.

 

“Shan Sanno oo uu Muuse Biixi xukumaayay Somaliland, waaxaa dhacay khaladaadkii siyaasadeed ee abid ugu waawaynaa iyo cadaalad daradii ugu baahsanayd, wuxuu qaatay go’aamo dhabarka ka jabiyay wixii soddon sanno la soo dhisayay, waxaa si aan hore u dhicin loo toogtay rayid aan hubaysnayn oo Laascaanood, Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo si nabadgelyo ah Madaxweynaha uga codsanayay in uu shuruucda dalka dhowro, iyo in uu waajibaadkiisa qaran guto” ayuu yidhi.

 

Sidoo kale, wuxuu sheegay in “Saldhgiyada Bilayska dhexdooda loogu kala abtiriyay dhalinyaro”, kuwaas oo sida qoraalkiisa uu ku sheegay “Dembiga keliya ee loo haystaa ahaa in ay sharcidarrada diideen. Waana taas dhashay inankii yaraa ee shalay ay masuuliyiinta qaranku, xabsiyada ku dhex weydiinayeen “qolada uu yahay”, inuu su’aalo iska weydiiyo waxa ay tahay dawladnimadu.

 

Xogahaye Khadar, wuxuu qoraalkiisa ku sheegay in “Shantaa sanno Madaxwayne Muuse laga baryayay in uu shuruucda dalka ixtiraamo, in aanu dadkiisa kala dhoweysan, in aanu shacabkiisa qaybin, in uu dhegeysto ergada dalka, dadka iyo isagaba lexejecladu ka hayso.

Waxa uu dheggaha ka furaystay, in dheefta iyo khayraadka qaranka uu si xaqsoor ah muwaadiniintiisa ugu qaybiyo, waxa uu miciinsaday xadhig iyo cabudhin, waxa aanu badheedh u baalmaray nidaamkii doorasho ee uu kursiga ku yimi.” Ayuu yidhi.

 

Dhacdooyinkaa ayuu sheegay in ay noqdeen natiijada “Foolxumada cawaaqibka ka dhashay hoggaamintaas gurracan, waa taas maanta aanu dafiri karin xitaa muxaafidku. Waxaa xaqiiq noqotay in qaybsanaanta umaddu ay ka weyntahay inta indhow-garadku arkayo.” Balse wuxuu sheegay inay ta kasii xanuun baddani tahay, “sida aan Madaxweyne Muuse looga filayn in uu daweeyo dhibtaas uu isagu abuuray.Maanta,” sidaa awgeed Xoghaye Khadar wuxuu yidhi, “waxaa biyo kama dhibcaan ah in daba-qabataynta Somaliland ay ku jirto keliya Muuse Biixi oo is casila, doorasho degdeg ahna ku dhawaaqa.”ayuu kusoo gebagebeeyay qoraalkiisa.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, a platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post