X
    Categories: Warar

#Somaliland: Xisbiyada Mucaaradka Oo Aqbalay Go’aamada Dhex-dhexaadinta

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, Cabdiraxmaan Cirro, 17 December 2019, Araweelo News Network.


Guddoomiyaha WADDANI, oo ka hadlay Mawqifka Labada Xisbi iyo Soo celinta Komishankiii Hore ee Doorashooyinka.


Hargeysa(ANN)-Labada Xisbi ee Mucaaradka Somaliland, ayaa ka hadlay mawqifkooda soo jeedinta gudddiga dhex-dhexaadinta ee ku dhex jiray sidii xal loogu heli lahaa khilaafka xukuumadda iyo xisbiyada mucaraadka, kuwaas oo shalay shaaciyay saddex qodob oo soo jeedin ah oo ay u arkeen inay xal u noqon karaan khilaafka.


Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee WADDANi, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, oo u hadlay labada Xisbi ee WADDANI iyo UCID, ayaa maanta warbaahinta kula hadlay xarunta Xisbiga UCID, ee magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inay soo dhowaynayaan soo jeedinta guddiga dhex-dhexaadinta oo uu sheegay in maadaama ay kalsooni buuxda siiyeen labada Xisbi ee UCID iyo WADDANI, ay dhankooda aqbalayaan wixii ay soo jeediyeen.


Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, Cabdiraxmaan Cirro, oo ka hadlayay mawqifkooda labada Xisbi, wuxuu yidhi, “waxa nasoo gaadhay shalay 16 Desember 2019, qoraal kasoo baxay guddiga dhex-dhexaadinta, markaanu eegnay xaalada guud ee dalku marayo.

markaanu ka gun-gaadhnay in aanay jirin xukuumad u maqan dalka iyo dadka oo danaynaysa midnimada, wada-jirka iyo jiritaanka Umadda.

markaanu aragnay in aanay xukuumaddu diyaar u ahayn qabsoomida doorashooyin sharci ah.

Markaanu aragnay baahida ay Bulshada Somaliland u qabaan qabsoomida doorashooyinka golayaasha, markaanu tixgelinay sidii dhaqanka iyo caadada ahayd Somaliland in la aqbalo go’aamada guddiyada dhex-dhexaadinta.” ayuu yidhi, Gudoomiye Cirro oo sheegay inuu ku hadlayo afka labada Xisbi.


Guddoomiyaha, Xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Cirro oo ka hadlaya aqbalaada go’aamada ay soo jeediyeen Gudddiga dhex-dhexaadinta iyo mawqifka soo celinta Komishankii hore, wuxuu yidhi, “Waxay Labada Xisbi mucaarad go’aansadeen in ay aqbalaan dhammaan go’aamadii kasoo baxay, guddiga dhex-dhexaadinta, Xisbiyada muraadka, Madaxweynaha iyo Xisbigiisa, anagoo eegayna danta guud ee qaranka, midnimada Umadda iyo geedi-socodka dumuqraadiyada, waxaanu meesha ka saaray tabashadii aanu ka qabnay Komishankii hore ee doorashooyinka, haddaanu nahay Xisbiga WADDANI.”


Waxa uu sheegay inay guddiga dhex-dhexaadinta uga mahad-celinayaan hawshaa, isagoo yidhi, “Labada Xisbi mucaarad ee WADDANI, iyo UCID, waxay uga mahad celinayaan guddiga dhex-dhexaadinta hawshaa, waxaana ka xunahay xukuumadda iyo Xisbigeedu sida ay ula meeraysteen, waanuna Umadda u sheegaynaa in aanaan anagu la meeraysanayn Umadda ee aanu aqbalay go’aamadaa.” ayuu guddoomiyaha WADDANI, wuxuuna ka gaabsaday in weriyayaashu su’aalo ka weydiiyaan go’aamada ay aqbaleen ee guddiga dhex-dhexaadintu shalay shaaciyeen.

AKHRI: Odayaasha Iyo Culimada Dhex-dhexaadinta Xukuumadda Iyo Mucaaradka Oo Hawshii Ay Ku Jireen Kusoo Gunaanaday Baaq Soo Jeedin Ah

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post