#Araweelo_News_Network

 

Hargeysa(ANN)- Xisbiyada Kulmiye iyo WADDANI ayaa lagu riday ganaa lacageed, kuwaas oo soo gebagebeeyay olollaha ay soo wadeen muddo ku dhow saddex todobaad.

Gudidda Anshaxa iyo xalinta khilaafaadka Doorashooyonka ayaa soo saaray maanta qoraal saxaafadeed ay ku sheegayaan ganaaxa lacageed ee labada  Xisbi ee ugu waaweyn oo si xamaasadaysan u o samaynayay isu soo baxayo meelaha qaar rabshado kooban ka abuurayay, iyadoo masuuliyiinta qaarkood weedho dhiif leh dhegaha ugu ridayeen Bukshada.

Gudidda Anshaxa iyo xalinta kholaafaadka Doorashooyinka ayaa ganaaxyada u cuskaday xeerka Anshaxa iyo Xeerarka doorashooyinka Somaliland.

Qoraalka ayaa sidan u qornaa: