X

Somaliland: Xisbiga WADDANI Oo Dhaliilo Kulul Kaddib Sheegay Inay Qayb Ka Noqonayaan Xalka Laascaanood

Khadar Xuseen Cabdi (Looge)

Somaliland Aannay Ka Mid Ahayn Laascaanood Oo Nabad Ah Ma jirayso”  Xisbiga WADDANI

Araweelo News Network.

Hargeya (ANN)-Xisbiga ugu weyn Mucaaradka ee WADDANI, ayaa sheegay inay gacan ka geysanayaan sidii xaaladda xarunta Gobolka Sool ee Laasacaanood  xal loogu heli lahaa, kaddib dilal soo noq noqday oo meela loo jihayn, kuwaas oo sababay kacdoon shacbi oo ay xukuumaddu kaga jawaabtay cudud ciidan oo khasaare dhalisay, isla markaana uga sii dartay xaaladda.

Laxidhiidha: WADDANI: Cabdiraxmaan Cirro Oo Ku Tilmaamay Xaaladda Laascaanood Xasuuq Kuna Baaqay In Deg Deg Xal Nabadeed Lagu Raadiyo

 

Hase yeeshee Xisbiga Mucaaradka oo si weyn ugu dhaliilay xukuumadda inay ku fashilantay qaabkii loo waajihi lahaa nabagelyada Laascaanood, ayaa sheegay inay wixii karaankooda ah xisbi ahaan gacan ka geysnayaan xasilinta Magaalada.

 

Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI, Khadar Xuseen Cabdi, ayaa qoraal uu kaga hadlay arrinta Laascaanood ku yidhi, “Mucaarad ahaan, waxa aannu diyaar u nahay in aannu gacan ka gaysano sidii xal loogu heli lahaa dhibaatada Laascaanood”

 

Xoghayaha WADDANI, wuxuu isagoo tilmaamaya arrinta Laasaacood yidhi, “Xaaladda maanta ka taagan Somaliland, waa midhaha ka dhashay siyaasad xumada xukuumadda talada haysa, taas oo xabaddu ay tahay jawaabta keliya ee ay u hayso tabashada dadkeeda iyo dibaxbaxa silmiga ah ee uu muwaadinku rayigiisa ku cabbirayo.” Ayuu yidhi.

 

Qoraalka uu kaga hadlay arrinta Laascaanood, Xoghaye Khadar, wuxuu tusaale usoo qaatay dhacdooyinkii 11 August ee mudaharaadyada xisbigooda, isagoo yidhi, “ 11 August 2022, Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo ayaa ay si arxandarro ah xukuumadu ugu laysay shacab aan hubaysnayn,  waxa keliya ee ay doonayeen wuxuu ahaa in dastuurka dalka iyo xeerarkiisa la xurmeeyo. maantana waa ay kasii fogaatay oo waxa la dilay muwaadiniin rayid ah oo ka cabanaya dilalka qorshaysan ee lagu khaarajinayo haldoorkooda.”

Xoghayaha Xisbiga WADDANI, wuxuu sheegay in aannay Taariikhda ku  jirin xabbadi xal waara keentay, mana ay dhicin in cid lagu qasbo aragti iyo go’aan aannay doonisteeda ku qaadan. Marka ay xaalka Laascaanood tahayna, runta keliya ee taallaa waa in aannay jiri karin Somaliland aannay ka mid ahayn Laascaanood oo nabad ah, dadkeeduna dareemayaan lahaanshiiyaha qaranka.”

Sidaas awgeed, Madaxweynaha muddo xileedkii la doortay uu dhammaaday waxaa looga fadhiyaa, in uu qaato go’aan ku dhisan xikmad, xilkasnimo, odaytinimo, dulqaad iyo fogaan arag.” Ayuu yidhi.

 

Sidoo kale, wuxuu qoraakiisa ku sheegay inay la gudboontahay Madaxweyne Biixi in uu liqo runta ah, “haddii shan sanno uu u soo shaqaynayay dhaqanka siyaasadda lagu sheegay ee ah muran, ku jiq sii, iskeen sii, qaybinta shacabka ee gaadhay in markii ugu horreysay taariikhda Somaliland xitaa xuskii 18 May laba meelood lagu kala qabsado iyo khilaafka aan sababta lahayn ee uu geliyay doorashooyinka, in maanta duruufuhu ay marayaan meel aanu dhaqankaasi innaga saari karin.”

 

Gebagebadii, wuxuu sheegay in Caana daataba dabadood la qabaye ay mucaarad ahaan doonayaan inay xalka qayb ka noqdaan, “waxa aannu diyaar u nahay in aannu gacan ka gayano sidii xal loogu heli lahaa dhibaatada Laascaanood, waase haddii la abuuro jawigii suurtagelin lahaa.”ayuu yidhi.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post