X

Somaliland: Xisbiga WADDANI Oo Canbaareeyay Xukunka Lagu Riday General Jaamac Doollaal Farriina U Diray Madaxweynaha

Guddoomiyaha Gollah Dhexe ee WADDANI, Cismaan Afgaab Nuur Image Araweelo News Network, Image File15 April 2021.

Araweelo News Network.

 

#Hargeysa(ANN)-Xisbiga Mucaaradka ee #WADDANI, ayaa ka hadlay xadhiga #General Jaamac Maxamuud Aadan (#General #Doollaal) oo maalmihii lasoo dhaafay Maxkamad Millateri ku riday xukun laba sannadood ah.

Guddoomiyaha Gollaha Dhexe ee Xisbiga WADDANI, Cismaan Nuur Afgaab oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa ku tilmaamay xadhiga General Jaamac Maxamuud Aadan (Jaamac Doollaal) mid sharciga baalmarasan.

“General Jaamac Doollaal oo ah sarkaal ummmada Somaliland wada garanay, laga wada dheregsanyahay taariikhdiisa, doorkii uu ku lahaa Somaliland-ta maanta la wada hadhsanayo, wuxuu  ka mid ahaa afraadii tirada yarayd ee naftooda usoo huray o sharaf iyo karaamo ku lahaa halganka, wuxuuna ka mid ahaa laba amma, saddexda xubnood ee ugu sareeya hawgladii SNM, ee dalka lagu xoraynayay, amma dagaaladii.”ayuu yidhi, Afgaab.

 

“Xaakinkii ku dhawaaqayay xukunka, wuxuu sheegay in denbiyada lagu soo ooggay aannu qabin Muj. Jaamac, balse markii denbi loo waayay la yidhi, “Nin aad isku xaafad tihiin ayaad Xamar kala hadashay, sidaa awgeed laba sannadood ayaa lagugu xukamay” ayuu yidhi. Guddoomiyaha Gollaha Dhexe ee Xisbiga WADDANI.

Dhinaca kale, wuxuu sheegay in ay wanaagsantahay in aan ciidamadda la siyaasadayn oo la dhawro,  wayna ku haboontahay in aan laga hadlin, balse waxa uu sheegay in cidda hogaanka dalka ah ay ugu horayso in aan la siyaasadayn ciidamadda.

Guddoomiyaha gollaha dhexe ee xisbiga Waddani, wuxuu sheegay in la wada ogyahay in qof walba oo cid ka joogto Xamar uu la hadlo, mid xil haya iyo mid aan xil hayn.

“Madaxweynuhu markii uu Xabbaasha ka hadlayay, wuxuu Cabdi Xaashi oo Aqalka Sare ee Soomaaliya Madax ka ah yidhi, “waa Mujaahid”,  Doollaal Mujaahid ayuu noqonwaayay, Cabdi Xaashina Mujaahid ayuu niqday, waaa siyaasadayn,  Doolllaal oo isagoo dhalinyaro ah naftiisa iyo nolloshiisa u huray inuu maanta isagoo 70 jir ah xadhiga dulmi ah uu ku galo hargeysa waa wax laga xumaado”.

Wuxuu sheegay in xukunka ku dhacay General Doollaal uu yahay mid cadaaladdaro ah, isagoo dhinaca kale sheegay in maanta oo la marayo qarnigii 21aad oo casri ah, la wada ogyahay in qofka codkiisa la samaynkaro, iyadoo xataa dhaqdhaqaaq loo samaynkaro.

“Markii ay cadaan wayeen codadkii la mala awaalay, ayaa la ydihi, “waxaad la xidhiidhay qof xamar jooga”,  waa cadaaladdaro  mana geyo Jaamac Doollaal, haddii uu maanta denbi galo, waa ragga Bangiga waxa u yaal ee uu dalka iyo dadka gashaday isticmaali lahaa, wuxuuna maanta ku badbaadi lahaa haddii caddaalladi jirto wixii uu Somaliland usoo qabtay. Xataa hadduu deni galay, waxaan leenahay Jaamac xoriyadiisa haloo celiyo, Madaxweynaha waxaan leenahay arrintaasi aday ku fadhidaa, Jaamac waa Nin weyn maanta oo aan xamilayn dac-daro iyo xadhig, Madaxweyne Ninkaa xoriyadiisa usoo daa”. Ayuu yidhi, Cismaan Afgaab.

Araweelo News Network.

Contact: info@araweelonews.com.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post