X

Somaliland: Xisbiga UCUD Ee Mucaaradka Oo Si Weyn U Canbaareeyay Heshiis KULMIYE La Galay Xildhibaano

Afhayeenka Xisbiga UCID, Maxamed Cali Bilaal (Ayax), Image File Araweelo News Network. July 2021.

Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)-Xisbiga Mucaardka ah ee UCUD, ayaa si weyn u canbaareeyay koox xildhibaano ka tirsan oo ka mid ah xubnaha Xisbiga uga soo baxay doorashadii gollaha wakiilllada oo heshiis la galay Xisbiga KULMIYE ee muxaafidka.

Xisbiga UCID, isagoo daba socda Munaasibad uu Xisbiga KULMIYE,u qabtay xubnahaa, wuxuu sheegay in aannay arrintaasi ahayn mid sharci ah, isla markaana aannay xubno keligood heshiis la geli karin xisbi kale, sidoo kale waxay xubnahaa ku tilmaameen kuwo sameeyay khiyaamo cad iyo sharcidaro.

Afhayeenka Xisbiga Maxamed Cali Bilaal (Ayax) oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in laga been sheegay heshiiskaa, isla markaana wuxuu xusay in xataa tirada ay KULMIYE, sheegeen aannay ahayn mid sax ah, isagoo tilmaamamay in ay ku jiraan xubnahaa kuwo aan soo bixin tartankii, kuwaas oo tiradooda uu ku sheegay saddex xubnood.

Sidoo kale, Afhayeenka Xisbiga UCID, wuxuu sheegay in Xildhibaan Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax) laga qaaday xilkii uu xisbiga u hayay ee ahaa ku xigeenka Xoghayaha guud ee UCI, wuxuuna Madaxweynaha Somaliland ku eedeeyay qaab qabyaalad ah oo sida uu sheegay uu ugu adeegsaday xildhibaanada kasoo baxay Xsibiga Mucaaradka ee UCID.

Halkan Ka Daawo Xisbiga UCID Oo Ka Hadlaya Arrimaha

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post