X
    Categories: Warar

Somaliland: Xisbiga Talada Haya Ee KULMIYE Oo Xilkii Ka Qaaday Guddoomiyihii Golaha Dhexe Jaamac Shabeel

Jama Ismail Egeh (Jama Shabel) image file Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)-Guddida Fulinta ee Xisbiga KULMIYE, ayaa sheegay in ay xilkii ka qaadeen Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee KULMIYE Jaamac Shabeel, sidoo kale, waxa laga xayuubiyay xubinimadii, balse Jaamac Shabeel, ayaa ku tilmaamay arrintaa mid aan sharci ahayn oo aanu aqbalayn.

Sida lagu sheegay Qoraal kasoo baxay Guddida Fulinta oo uu ku saxeexanyahay Guddoomiye Ku xigeenka labaad ee Xisbiga Axmed Cabdi Dheere, ayaa lagu sheegay xil Ka qaadista guddoomiyihii golaha Dhexe la sameeyay kadib markii guddida fulintu yeesheen kulan deg deg ah.

 

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga kulmiye, Axmed Cabdi Dheere, ayaa sababta xilka qaadistaan ku sheegay in guddoomiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) uu ka horyimid siyaasadda iyo xeerka xisbiga, isagoo ku kacay abaabul iyo kicin kadhan ah siyaasadda xisbiga iyo xukuumadda uu katirsan yahay, wuxuuna sheegay in marar badan uu adeegsaday warbaahinta oo uu eedaymo usoo jeediyey xukuumadda iyo xisbigaba.

Qoraal saxaafadeedka kasoo baxay guddida fulinta ee uu ku saxeexnaa guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Axmed Cabdi Dheere ayaa u dhignaa sidan:-

 

 

Dhinaca kalena Jaamac Ismaaciil Cige waxa uu BBC-da u sheegay in xilka qaadistiisu aanay sharci ahayn,  isagoo ku dooday in jagada guddoomiye ku xigeenka labaaad ee xisbiga Kulmiye ay bannaan tahay oo aan wali la dooran xisbiguna aanu ansixinba Axmed Cabdi Dheere, sidaas darteedna aanu sharci u lahayn in uu isugu yeedho xubnaha gudiga fulinta oo isla mar ahaantaasna ay go’aanno qaataan.
Jaamac Shabeel wuxuu kaloo intaas kudaray in golaha dhexe uu yahay hay’adda  ugu sarraysa ee xisbiga oo uu ka sarreeyo guddiga fulinta isla mar ahaantaas ay Isaga soo doorteen golohaasi, sidaas darteedna xilka qaadistiisu aanay ahayn mid sharciga waafaqsan oo  uu dib l ka sheegi doono faahfaahinta arrintan la xidhiidha.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post