X

Somaliland: Xisbiga Mucaaradka Ee WADDANi Oo Ka Hadlay Natiijadda Ka Dhalanay In Siyaasiga Maxamuud Xaashi Laga Saaro KULMIYE

Xoghayaha Xisbiga WADDANI, Khadar Cabdi Xuseen, Image file Araweelo news Network.

Araweelo News Network.

“Maxaamuud Xaashi Waa Xiddiga Siyaasadda, Maaha siyaasi la eryo ee waa siyaasi la Baryo.”

 

Hargeysa(ANN)-Xisbiga ugu weyn mucaaradka ee WADDANI, ayaa ka hadlay go’aanka xisbiga xukuumadda ee Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi lagaga saaray Xsibiga KULMIYE.

Siyaasiga Maxamud Xaashi Cabdi, Image Araweelo News Network, 14 Oct 2020.

Xoghaha Guud ee Xisbiga WADDANI, Khadar Xuseen Cabdi, ayaa ka hadlay in xubinimadii Xisbga KULMIYE, laga saaro Siyaasiga Maxamuud Xaashi, wuxuuna arrintaa u muujiyay mid dhirbaaxo cawaaqib xun ku noqonaysa xukuumadda Madaxweyne Biixi iyo Xisbigeeda.

Wuxuu taa bedelkeeda tilmaamay in ay guul u noqonayso Xisbigooda WADDANI, isagoo dhinaca kale iftiimiyay in aannu Siyaasiga Maxamuud Xaashi ahayn Nin la eryo, ama Xisbi laga saaro ee yahay siyaasi miisaan weyn oo xilligan ah Xiddiga Siyaasadda, sidaa darteed ay haboontahay in la baryo. Sidaa awgeed ay nasiibdaro iyo dhabar-jab ku tahay KULMIYE.

Xoghaha Guud ee mucaaradka ee WADDANI, Khadar Xuseen Cabdi, wuxuu ku tilmaamay go’aanka KULMIYE, mid muujinaya, isla markaana caddaynaya, wuxuu ku macneeyay “saaqidnimada Siyaasadda”.

“Maxamuud Xaashi maaha siyaasi la eryo ee waa siyaasi la Baryo. Maanta waxaa caddaatay Saaqidnimada Siyaasadeed ee Xisbiga Kulmiye iyo faham-darrada xisaabta siyaasadda ee ku habsatay Xisbigii Kulmiye, ayuu yidhi, Xoghayaha Waddani, isoo si cad u tilmaamay in xisbiga Kulmiye garan waayeen qiimaha Maxamuud Xaashi.

Dhinaca kale, Xoghaye Khadar oo sharxaya natiijada ka muuqata arrintaa, wuxuu yidhi, “Tallabadan ay qaadeenna waa tii ay ku seegayeen hannashada hoggaanka dalka! Hadalkii uu hore maxamuud u yidhi ee ahaa:  “Markay talladaada xun  kuu urto hana eersan ee is eerso Adigu, ayaa caawana cid walba u muuqata”

“Goblan tallo aduunyow’ Xaashi maaha nin Xubinnimo Xisbi laga qaade waa Xiddig Sawirka Syaasadda Somaliland saameyn ku leh.” Ayaa yidhi, Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI.

Lxidhiidha: Maxamuud Xaashi Oo Ka Hadlay Mawqifka Isaga Iyo Saaxiibadii Ee Siyaasada Kaddib Go’aanka KULMIYE

 

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa warbxinaha iyo wararka ay

soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews Facebook@AraweeloNews instagram@araweelonews By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist. info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post