X

Somaliland: Xisbiga Mucaaradka Ee WADDANI oo Ka Hadlay Mawqifkooda Qaraarka Maxkamadda Dastuuriga

Hoggamiyaha Xisbiga Mucaaradka ee WADDANi, Xirsi Cali Xaaji Xasan, Image Araweelo News Network, 28 Oct, 2021.

Araweelo News Network.

“Maxakamaddu waxay ka joogsatay shirqoolkii laga soo abaabulay Madaxtooyadda ee sharcidarrada ahaa.”

Hargeysa)ANN)-Xisbiga ugu weyn mucaaradka Somaliland ee WADDANI, ayaa soo dhoweeyay go’aanka ay maanta soo saartay Maxkamadda Dastuuriga ah ee la xidhiidhay murranka ka taagnaa xeerka furista Ururruda Siyaasada iyo Axsaabta qaranka.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka WADDANI, Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka hadlay mawqifkooda go’aanka Maxkamadda, ayaa sheegay in ay xisbi ahaan soo dhowaynaayan go’aanka.

“Waxaan soo dhowaynaynaa qaraarka Maxkamadda Dastuuriga ahi, taas oo ahayd sidii aannu horeba u sheegnay mid waddadeeda sharci laga duway.” ayuu yidhi, Guddoomiye Xirsi.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in ay waafasan yihiin Xeer LR 14/ 2011, kaas oo sida uu sheegay gollihii hore soo saaray, isla markaana uu ku saxeexan yahay Guddoomiyihii hore ee gollaha wakiillada Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cabdiraxmaan Cirro) iyo Madaxweynihii hore ee Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, wuxuu sheegay in Maxkamaddu laashay dawcadda 46-ka xildhibaan, iyadoo dhinaca kale ayiday xeerkii dhaqangalka ahaa.

Laxidhiidha: Somaliland: Go’aanka Maxkamadda Sarre Ee Dacwadda Xeerka Furista Ururrada Siyaasada

“Waa Ilaahay mahaddii, waxaanan u arkaa in  Maxakamaddu ka joogsatay shirqoolkii laga soo abaabulay Madaxtooyadda ee sharcidarrada ahaa. Mar kastana waxaannu diyaar u nahay in aannu u hoggaansanno Shuruucda dalka, Maxkamaddana waan ku bogaadinayaa in ay sharciga ilaaliso, shaqadeedana ku ekaato.”ayuu ku yidhi qoraal kooban Guddoomiye Xirsi.

Wuxuuna intaa raaciyay in ay guul u tahay dhammaan taageerayaasha Xisbiga WADDANI iyo guud ahaan bulshadda Somaliland, waxaana innoo balan ah sharciga ayuu yidhi, isagoo ka hadlayay mawqifka Xisbiga ee qaraarka Maxakamdda Dastuuriga ah ee ku taariikhaysan 16 Jan 2022.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post