X
    Categories: Warar

Somaliland: Xisbiga Mucaaradka Ah Ee WADDANI Oo Sheegay In Laba Qodob Oo Xisbiga KULMIYE Ay Ka Wada Hadlayeen Oo Doorashada La Xidhiidha Ku Dhammaadeen Natiijo La’aan

Hargeysa(ANN)-Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa sheegay in ay natiijo la’aan ku dhammaadeen kulamo maalmihii u danbeeyay ay lahaayeen Xisbiga tallada haya ee KULMIYE, kaas oo ay kaga wada hadlayeen caqabadaha doorashada Somaliland.

Mr. Xuseen Axmed Caydiid oo ka mid ah saraakiisha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANi, oo maanta warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in gebi ahaanba aan wax natiijo ah laga gaadhin laba qodob oo muhiim ah oo ay maalmihii u danbeeyay ka wada hadlayeen Xisbiga KUMIYE.

“Kulamo baddan ayay yeesheen sadexda Xisbi, waxaana kulankii u danbeeyay ee Isniintii Todobaadkii hore oo Madaxweynuha gudoominayay, xisbiga KULMIYE, codsadeen inay labada Xisbi ee KULMIYE iyo WADDANI, si gaar ah u kulmaan, waxan kulanay saddex maalmood oo laba qodob keliya aannu ka wada hadlaynay” ayuu yidhi.

Labada qodob ee aannu ka wada hadlaynay, ayaa ahaa, “Komishnaka xilligan joogaa in aanay ahayn kuwii doorasho inoo qaban lahaa oo mudda xileedkoodu dhammaanayo inta aan la gaadhin doorashada, sidaa awgeed, wuxuu caqligu ina farayaa in komishankii doorashadu yimaado oo hawshiisa wato, si doorashooyinku u qabsoomaan xilligii loo qorsheeyey.”

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Qodobka kale ee ay ka wada hadlayeen ahaa, in xubnaha Komishanka si siman loo qaybsado oo Xisbiyadu tiro is leeg keennaan, balse waxa uu sheegay in nasiibaro, ay kulamadii dhmmaadeen, iyadoo aan wax heshiis ah laga gaadhin labada qodob midna, wuxuuna arrintaa ku macneeyey mid muujinay in aan diyaar loo ahayn sidii doorashadu u dhici lahayd.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post