X

#Somaliland: Xildhibaanada #Gollaha Deegaanka #Hargeysa Oo La Ansaxiyay

Araweelo News Network

 

Hargeysa(ANN)-Maxkamadda gobolka Maroodijeex, ayaa ansixisay xubnaha gollaha deegaanka ee Hargeysa, kadib markii ay heshay natiijada Doorashada Gollaha Deegaanka Hargeysa ee Guddida Doorashooyinku usoo gudbiyeen.

Maxkamadda gobolka Maroodijeex, waxa kasoo xaadiray 17-ka xildhibaan, waxaana goob-joog ka ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda iyo Garsoorayaasha Maxkamadda Gobolka iyo sidoo kale saraakiil ka socday saddexda xisbi Qaran, taliyaha ciidanka Booliska Somaliland iyo xildhibaanada loo doortay ee Gollaha deegaanka Caasimadda Hargeysa.

Xubnaha cusub ee gollaha Deegaanka Hargeysa 16 Jun 2021. Araweelo News Network.

Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Maroodijeex Cabdi Qawdhan Cabdi, ayaa sheegay ka hor inta aan la ansixin xubnaha gollaha deegaanka ee cusub in aannay jirin waxa dacwad ah oo la xidhiidha doorashada gollaha deegaanka Maroodijeex oo soo gaadhay maxkamadda gobolka, sidaas awgeed ay ansixinayaan natiijadii ay hore ugu dhawaaqeen Guddiga Doorashooyinka Qaranku.

Markaa kaddib Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodijeex, Cabdi Qawdhan Cabdi, ayaa ku dhawaaqay ansixinta natiijada xubnaha Doorashada Gollaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa, isagoo sheegay in hadda wixii ka danbeeya ay hashooda qabsanayaan xubnaha cusub.

Dhinaca kale, xubnaha gollaha deegaanka Hargeysa, ayaa loo qorsheeyay in ay fadhigooda u horeeya maalinta beri 17 Jun 2021, yeesheen si ay u doortaan Maayar iyo Maayar ku xigeen, iyadoo Maayarka Cusub ee Caasimadda loo cimaamaday  Cabdikariim Axmed Moogge oo kasoo baxay Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, isla markaana ahaa murrashaxa ugu codka badan golayaasha deegaanka, isagoo helay codad gaadhaya 26, 000, iyo dheeraad, isla markaana dhigay rikoodh cusub oo dhanka doorashada gollayaasha deegaanka ah.

 

 

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

 

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

 

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post