X

Somaliland: Xildhibaanada Awdal Oo Sheegay Innay Qayb Ka Yihiin Ansixinta Xeerarka Doorashooyinka Oo Aannay U Baahnayn Kootada Ay Haweenka Somaliland Waayeen

#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN) Xidhibaanada Awdal oo ay hoggaaminayaan Guddoomiye ku xigeenka labaad ee gollaha Wakiillada Cali Xaamud Jibriil iyo Xildhibaan Maxamed Abiib ayaa ka hadlay doorka ay xildhibaanada labada Golle ee guurtida iyo wakiillada kaga jira Awdal ku lahaayeen ansixinta xeerarka doorashooyinka ee shalay iyo maanta codadka aqlabiyada xooggan lagu ansixiyay.

Sidoo kale, waxay ka hadleen dhawaaqyadii shalay kasoo baxay Madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici iyo xubno wasiirrada xukuumadda ahoo ay weheliyaan dhawr xildhibaan oo guurtida ah, waxayna dhawaaqyadaa ku tilmaameen kuwo aan ka turjumayn danaha bulshada Awdal, balse ay xukuumaddu doonayso oo keliya innay gabood uga dhigato sidii ay doorashada u diidi lahayd.

Guddoomiye Cali Xaamud ayaa sheegay innay golle ahaan mudada 21 maalmood ee dastuurku u siiyay Madaxweynaha inuu xeerarka kaga gaadho go’aan, balse wixii mudadaa ka danbeeya ay gollaha wakiiiladdu awood dastuuri ah u leeyihiin innay dhaqan geliyaan xeerarka doorashooyinka.

“Xeerarka kuma jiraan wax dastuurka ka hor imanaya, ama khilaafsan, sidaa awgeed ma jirto sabab dad shaqaale ah oo Awdal kasoo jeeda loo soo ururiyaa, annaga ayaa Awdal ku metela halkan, wayna ansixiyeen xeerarka Xildhibaanada labada golle kaga jiraa.” ayuu yidhi, Guddoomiye Cali Xaamud Jibriil.

Muuqaalkan ka Daawo Guddoomiye Cali Xaamud oo arrimahaa iyo kuwo kale ka hadlaya.

Sidoo kale, Xildhibaan Maxamed Abiib, ayaa sheegay in aannay Awdal u baahnayn in la yidhahdo waxa loo xidhayaa kooto, “Shacabka Awdal umma qalmaan in la yidhaahdo waxa laydiin xidhayaa kooto, iyadoo aynu ognahay innay haweenkii Somaliland waayeen Kooto,” ayuu yidhi, Xildhibaan Maxamed Abiib, wuxuuna sheegay innay shacabka Awdal codkooda lasoo baxayaan.

Xildhibaan Abiib, waxa kale oo uu ka hadlay mashaariic muhiim ah oo sida uu sheegay laga joojiyay Awdal, isagoo arrintaa ku eeddeeyay wasiirka Maaliyadda Somaliland Sacad Cali shire iyo xukuumadda uu ka tirsan yahay.

Arrimahaa iyo kuwo kale waxay Xildhibaan Maxamed Abiib iyo mudanayaasha kale ee ku weheliyay shirka jaraa’id kaga hadleen muuqaalkan hoose.

#Araweelo_News_Network.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post