X
    Categories: Warar

Somaliland: Xildhibaan Jaamac Riyo Oo Ahaa Abwaan Hal-abuurleh Oo Geeriyooday Iyo Madaxweynaha Oo Ka Hadlay

Araweelo News Network

Xildhibaan Jaamac Riyo

Hargeysa(ANN)-Allah ha u naxariistee Xildhibaan Jaamac Faaarax Axmed oo Ku magac dheeraa (Jaamac Riyo) oo ka mid ahaa Gollaha Guurtida Somaliland, Isla markaana ahaa Abwaan Hal-abuur ah oo magac weyn ku lahaa  Fanka , ayaa Ku geeridyooday Magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, ayaa ka hadlay geerida Xildhibaan Jaamac Riyo, waxaana dhanbaal Tacsi ah oo kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland lagu yidhi, “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, golaha guurtida, golaha wakiilada, bahda fanka iyo suugaanta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Jaamac Faarax Axmed (Jaamac Riyo) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu ahayd 29/07/2018, magaalada Hargeysa.

madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey xubin firfircoon oo ka baxday golaha guurtida Somaliland iyo bahda Fanka iyo suugaanta oo uu marxuumku ka tirsanaa intaanu ka mid noqon xubnaha golaha guurtida Somaliland oo uu hada ka mid ahaa.

Waxaanu marxuumku kaalin muhiima ka soo qaatay dib u dhiskii iyo nabadayntii beelaha Somaliland ku wada dhaqan, isagoo suugaan iyo wacyigelin kaga qayb-qaatay wada noolaanshaha shacbiga Somaliland, waxaanu marxuumku caan ka ahaa dhammaan dhulka Somalidu degto.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, golaha guurtida, golaha wakiilada, bahda fanka iyo suugaanta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo..

Aamiin Aamiin Aamiin

Maxamuud Warsame Jaamac

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post