Jawaabta Xildhibaan Maxamed Abiib Ee Qoraalka

#Araweelo_News_Network.

 

Hargeysa (ANN)- Xildhibaan  Maxamed Abiib ayaa soo bandhigay qoraal kasoo baxay Xeer Ilaalinta Qaranka oo la xidhiidha kiiska maamuus ka xayuubinta ee todobaadkan Gollaha wakiiladu awoodi waayay innay go’aan ka gaadhaan. Kaddib markii la waayay tiradii loo baahnaa, wallow mudanayaasha lagu wargeliyay fadhi aan caadi ahayn.

Hase yeeshee Xeer Ilaalinta  Qaranka Somaliland, ayaa soo saartay qoraal ku taariikhaysan 27 July 2024, kaas oo ay mar kale ku socodsiisay gallaha Wakiiladda Somaliland. Iyadoo ku tilmaantay Qoraalka Guddida joogtada iyo anshaxa  fadhiga  gollaha laga akhriyay midaa. Waafaqsnayn sharciga sidaa awgeed Gollaha laga sugayo innay go,’aan ka gaadhaan soo jeedinta maamuus ka xayuubinta xildhibaanka.

Xildhibaa  Maxamed ayaa dhankiisa ka hadlay qoraalka danbe ee Xeer Ilaalinta oo lagu duray gudidda, wuxuuna qoraal uu soo dhigay bartisa Facebook ku yidhi, sidan:

“Xafiiska Xeer-ilaalintu waxa uu iiga markhaati furay doodii aan hore u sheegnay ee ahayd in Golaha Wakiilada keligood ay awood u leeyihiin inay ka go’aan gaadhaan xasaanadda xildhibaanada. Nasiib daradu se waxa ay tahay in ay iyagu dabada ka riixayeen in Gudida loo geeyo. Markii ay gudidii ku gar waayeen ayay leeyihiin maba ahayn in guddidu gasho. Waxa keliya ee u banaan xeer ilaalintu waa inay la noqoto dacwadda aan salka iyo raadka toonna lahayn ee siyaasadaysan.

Xildhibaan Maxamed ayaa ku sheegay qoraalka  in Golaha Wakiiladdu cod aqlabiyad ah ayuu ku diidi doona hadii alla idmo dacwadda siyaasadaysan ee aan xeer iyo xaqiiq toonna ku fadhiyin.

Qoraalka Xeer Ilaalinta halkan hoose ka akhri .

 

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com