X

Somaliland: Xaddiga Ajaanibka Sharcidarada Ah Ee Ku Sugan Iyo Dadka Magangelyada Siyaasadeed Dalbanaya Oo Kusoo Badanaya

Xubnaha guddida joogtada ah ee gollaha Guurtida oo la kulmay guddoomiyaha hay’adda barakacayaasha iyo saraakiil kale, 9 Nov, 2021, xarunta guurtida, Image Araweelo News Network.

Araweelo News Network.

“Soddon kun ilaa Afan kun oo soogalooti ah ayaa sharcidaro ku joogga dalka, masuuliyadaana waxa leh wasaaradda arrimaha guddaha iyo Laanta socdaalka.” Cabdikariim Xinif.

Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha Hay’adda Barakacayaasha Somaliland, Cabdikariim Xinif, ayaa ka waramay xaddiga tirada Qoxootiga ah ee ku sugan xilligan geyiga Somaliland.

Guddoomiye Cabdikariim Axmed Maxamed (Xinif), ayaa sidoo ka waramay dadka magangelayada doonaya ee kusoo qulqulaya Somaliland, balse wuxuu ka dayriyay kumanaan dad anaajib ah oo kusoo qululaya dalka, kuwaas oo sharcidaro ku jooga, wuxuuna masuuliyada arrintaa dusha u saaray wasaaradda Arrimaha guddaha.

 Dhinaca kale, wuxuu sharaxaad ka bixiyay halka ay ku danbeeyeen dadkii ku barakacay abaarihii dalka ka dhacay sannadihii u danbeeyay.

Mr. Xinif, wuxuu sidaa ka sheegay mar uu maanta hortegey Guddida joogta ah ee Gollaha Guurtida Somaliland oo kulan xogwareysi ah la yeeshay Guddoomiyaha iyo masuuliyiinta Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka, ayaa  warbixintiisa ku sheegay in dalka Somaliland ay ku sugan yihiin qiyaastii soddon ilaa Afartan kun oo ajaanib ah.

“Dalka waxa joogga dad gaadhaya soddon kun ilaa Afartan kun, 14,000, oo dadkaa ka mid ah  ilaa  kuwaas oo lix kun ayaa qoxooti ahaan annaga noo diiwaan gashan, kumanaanka kale, maaha magangelyo-doon, qoxootina maaha, waa dad sharcidaro ku joogga dalka, masuuliyadaana waxa iska leh wasaaraddda Arrimaha guddaha iyo laanta socdaalka.” Guddoomiyaha Hay’adda Barakacayaasha Somaliland.

Balse, wuxuu sheegay in dadka ka yimaada dalalka Yemen, Syria, Iraq iyo Afghanistan loo aqoonsaday qoxooti maraca ay soo gaadhaan xadka Somaliland, maadaama ay dalalkooda dagaalo ka socdaan.

Hase yeeshee wuxuu tilmaamay in dadka sharcidarada ah ee kusoo qulqulaya aannay ahayn kuwo u xisaabsan hay’adda qoxootiga, balse masuuliyada arrintaa ajaanibka sharcidarada ah ay leeyihiin Wasaaradda Arrimaha guddaha Somaliland iyo Ciidanka laanta socdaalka, wuxuuna  sidoo kale sheegay in dadka dalka u yimaada magangelyada siyaasadeed Madaxweynaha Somaliland siiyo ogolaansha aqbalaada iyo joogitaanka.

Xubnaha guddida joogtada ah ee gollaha Guurtida, ayaa su’aalo la xidhiidha arrimaha weydiiyay Guddoomiyaha Hay’adda Barakacayaasha iyo Masuuliyiinta kale ee ay la kulmeen, waxayna sheegeen in wixii uga soo baxay kulankaa ay la wadaagi doonaan gollaweynaha.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post