X
    Categories: Warar

“Somaliland Xaalladu Ka Qasmimayso Sida Ay Dawlado Sheeganayay Awood Dhaqaale Iyo Maamul Uga Qasantay, Sababtoo Ah…..” Madaxweyne Biixi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo la hadlaya saraakiisha Ciidamada Somaliland ee Taliska Guud.17 March Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaya xaaladda dunida ee Cudurka Coronavirus, ayaa ka hadlay doorka Ciidamada Somaliland ee ku yeelan karaan sidii shacbiga Somaliland looga badbaadin lahaa khatarta cudurkaa.


Madaxweyne Biixi, wuxuu sheegay in markii Cudurka Coronavirus ku faafay dunida ay khal-khaleen dawladdo waaweyn iyo dalal sheeganayay awood iyo dhaqaale, bale wuxuu sheegay in Somaliland oo ah dal yar oo aan la aqoonsanayn uu soo maray duruufo iyo waayo kala duwan, isla markaana aannu Cudurkaa oo aan weli soo gaadhin dalka noqonayn mid khal-khaliya nidaamka iyo kala danbaynta, sida ku dhacday wadamo baddan.


Mr. Biixi, wuxuu sidaa ku sheegay Khudbad Mooraal-dhis ah oo saaka uu ka jeediyay xarunta Taliska Guud ee Madaxweyne Biixi Oo Khudbad Mooraal-dhis ah oo saaka uu ka Jeediyay Taliska Ciidanka Qaranka Somaliland ee Hargeysa.


“Dawlado waaweyn ayay ka baahday oo maarayn kari waayay xannuunka, innagu dhaqaale badan ma lihin, waxaana laynagu tiriyaa dalalka taagta daran, ama dhaqaalaha yar ayaa laynagu qiyaasaa marka adduunka la qiimanayo, laakiin awoodda bina’aadamku sidaa way ka duwantahay, kuwa xoogga waaweyni waxyaabo aannay ka bixi karin iyo duruufo aannay ka dabaalan karin ayaynu ku noolahay oo ka dabaalanay.” ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi.

Wuxuu sheegay in Somaliland tahay dawladda aan la aqoonsanayn soddon sannadood ee hadana koraysa, isagoo yidhi, “Somaliland, iyadoo aan la ictiraafsanayn 30 sannadood, ayay badbaado qabtaa, koraysaa, is maamulaysaa, oo Adduunka la tartamaysaa, waana illaahay mahadii, waxa laga yaabaa dawladdaha xoogga waaweyn ee aynu jabbanayno in maalin keliya oo nidaamku ka khaldamo, ama Laydhku ka dammo ay isku dhexyaacaan oo is garan waayaan inay noolyihiin.” ayuu yidhi.


Balse Madaxweyne Biixi wuxuu sheegay in Somaliland isku kalsoontahay, isla markaana ku qanacsan dawladnimadooda, isla markaana u midooba markay dhibaato jirto, oo meel wax ku wada cunna oo aan dabaqado kala lahayn noloshooduna isku mid tahay oo qoys keliya ah, sidaa awgeed maanta waa maalintii midnimada iyo sidii looga hortegi lahaa dhibaato aan la ogayn meesha ay ka imanay oo dunida ka taagan, taas oo ah Fayriska Coronavirus, ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi oo la hadlayay saraakiisha Ciidamadda kala duwan ee Qaranka, wuxuuna ku booriyay inay oggaadaan inay yihiin cududa maanta ay Bulshadda Somaliland ku faanay.


Sidoo kale, Madaxweyne Biixi, wuxuu tusaale usoo qaatay dagaaladii iyo burburkii xilligii sideetanaadkii ee sababay qaxa iyo inay dadka magaalooyinka Somaliland ka dareeraan guryahooda si ay nafohooda uga badbaadiyaan xasuuqii loo geysnayay, wuxuuna sheegay in aannay Somaliland salbabakhayn oo aannay ku jirin cabsida saamaysay dawladdaha waaweyn ee Coronavirus haleelay.


Madaxweyne Biixi, ayaa shalay warbaahinta la hadlay, wuxuuna meesha ka saaray fekradaha khaldan ee dadka qaar laga dhaadhiciyay, taas oo ahayd in Cudurka Coronavirus aannu ku dhacayn dadka muslinka ah, wuxuuna arrintaa ku tilmaamay feker khaldan oo dadka laga dhaadhiciyay, wuxuuna ugu baaqay Culimada dalka inay dadka waxa loo sheegayo ay ka midaysnaadaan, si aan dadka khal-khal loo gelin, isagoo warbaahintana usoo jeediyay inay doorkooda qaatan, isla markaana wuxuu bulshada usoo jeediyay in wixii tallooyin ah ay usoo gudbiyaan guddida uu magcaabay ee ka kooba wasiiradda xukuumadda.


Sidoo kale, Madaxweyne Biixi, wuxuu sheegay in dadkii kasoo galay Somaliland xuduudaha dhulka, Cirka iyo Badda la baadhay, isla markaana ay xukuumaddu Lixda magaalo ee waaweyn ka sameeyeen goobo caafimaad.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post